Abishir Bukhaari:- Heshiis Amni oo lala galo Itoobiya

Heshiis kasta oo xilligan Hogaamiyaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya uu lago hogaamiyayaasha Dowladaha Itoobiya iyo Eratariya “waxa uu noqonayaa mid leh ujeeddooyin gurracan oo u adeegaya danaha siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo” sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Senetar Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari)

Abshir Bukhaari, oo ka hadlay wararka sheegaya in madaxweyne Farmaajo u duulayo Itoobiya si uu heshiis dhanka amaanka ah ula saxiixdo madaxweynaha Eratariya Isaias Afewerki oo ah “kelitaliye manaxe ah” iyo Raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo lagu eedaynayo “doorasho diidnimo iyo dambiyo dagaal” ayaa sheegay in heshiiskaasi uu baalmarsanyahay habraaca gelidda heshiisyada dalka.

- Advertisement -

Gudoomiye Bukhaari ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu “qorsheynayo inuu galo heshiisyo hor leh oo lala garabmarayo goleyaasha dowladeed ee u xilsaaran go’aan ka gaaridda gelidda heshiisyada caalamiga ah”.

Halkaan Ka aqri qoraalka Senator Abshir Bukhaari.

Iyada oo hore ay u jireen heshiisyo mugdi ah oo baalmarsan habraaca gelidda heshiisyada dalka, ayuu madaxweynaha xiliguusu dhammaday Maxamed Farmaajo waxa uu qorsheynayaa inuu galo heshiisyo hor leh oo lala garabmarayo goleyaasha dowladeed ee u xilsaaran go’aan ka gaaridda gelidda heshiisyada caalamiga ah. Waxaase ka sii daran in heshiisyadaasi uu la gelayo Eratariya, oo ah dal dadkiisu gacanta ugu jiraan kelitaliye manaxe ah oo doorasho iyo dimoqraadiyadba diidan, iyo Itoobiya oo hoggaankeedu lagu eedeynayo doorasho diidnimo iyo dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadkiisa.

Haddaba heshiis kasta oo la galo xilligan waxa uu noqonayaa mid leh ujeeddooyin gurracan oo u adeegaya danaha siyaasadeed ee madaxweynaha sharciyadiisii dhammaatay Febrraayo 8, 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More