Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Porto – Tuchel Oo Kusoo Bilaabay

Chelsea oo lug lasii gashay wareegga xiga ayay u taallaa shaqo adag oo ah in ay dhamaystirto hawsha qabyada ka ah iyagoo garoonka Ramon Sanchez Pizjuan foodda isku daraya FC Porto lugta labaad ee wareegga siddeedda

- Advertisement -

Blues ayaa ciyaartii hore ku badisay 2-0, waxaana kulanka caawa uu tababare Thomas Tuchel dib u helay dhamaan xiddigaha kooxdiisa.

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo kaadh cas ku qaatay ciyaartii West Brom, isla markaana seegay kulankii Crystal Palace ayaa dib ugu soo laabtay kooxda, waxaana sidoo kale taam ahaansho buuxa helay N’Golo Kante oo dhaawac muruqa ah la dhibaatoonayay usbuucyadii ugu dambeeyey.

FC Porto oo ay u taallo shaqo adag oo ah in ay la timaaddo saddex gool, si ay uga adkaan karto Chelsea, ayaa waxa uu tababare Sergio Conceicao uu shaaciyey in aanu khatar gelin doonin weeraryahanka reer Portugal ee Sergio Oliveira haddii aanu taam ahaansho buuxa helin, waxaana maqnaanshaha laacibkan oo u dhaliyey 17 gool uu dhibaato ku noqon doonaa safkiisa.

Chelsea ayaan hal marna laga badinin tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana sagaal kulan oo ay dheeleen ay badiyeen toddobada, halka labada kalena ay barbarro galeen.

Tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddigihii afka hore ee ciyaartii Crystal Palace guusha u keenay ee Christian Pulisic, Kai Havertz iyo Mason Mount, waxaanu ku kabtay Ben Chilwell oo boos dhex ah ka ciyaaraya, halka N’Golo Kane uu khadka dhexe kula soo bilowday Jorginho.

Difaaca ayuu kusoo laabtay Thiago Silva oo ka garab ciyaaraya Antonio Rudiger iyo Azpilicueta, waxaase isaguna dhexda u durkay James.

Kaydka ayay ku jiraan Timo Werner, Olivier Giroud iyo Tammy Abraham kulankii labaad oo xidhiidh ah.

Shaxda rasmiga ah ee Chelsea vs FC Porto

CHELSEA XI: Mendy, Azpilicueta, Thiago Silva, Rudiger, James, Jorginho, Kante, Chilwell, Mount, Havertz, Pulisic

Kaydka: Caballero, Kepa, Christensen, Zouma, Alonso, Emerson, Hudson-Odoi, Ziyech, Abraham, Giroud, Werner.

PORTO XI: Marchesin, Pepe, Uribe, Marega, Zaidu, Grujic, Corona, Manafa, Mbemba, Otavio, Sergio Oliveira

Kaydka: Claudio Ramos, Leite, Loum, Diaz, Taremi, Baro, Martinez, Evanilson, Nanu, Sarr, Vieira, Conceicao

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More