Turkey ‘oo fashilisay weeraro jilbaha loogu dhigi lahaa’ – C…

Ankara (Axadle) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Turkey ay fashilsay weeraro lagu soo qaaday dhaqaalaheeda oo la doonay in dalkaas jilbaha loogu dhigo.

Erdogan ayaa weeraradan la xiriiriyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii. 

Madaxweyne Erdogan ayaa qalalaasaha dhaqaale ee Turkey sheegay inuu ka dhashay shirqoolo ay maleegeen quwado shisheeye iyo kooxo argagixiso ah.

Erdogan ayaa intaas ku daray in qiimo dhaca lacagta waddankaas ee Lira, oo bilihii ugu dambeeyey gaartay heerkii ugu hooseeyey, ay sababeen weeraro dhaqaale oo lagu soo qaaday dalkaas.

“Waxaa jira shirqoolo lagu beegsanayo heerka sarifka lacagaha, sicir-bararka, iyo dhaqaalaha guud. Ujeedada waa mid siman waana mid xasarad dhaqaale lagu gelinayo dalka, waana ujeedo la mid ah afgambigii 15-ka July,” ayuu yiri Erdogan. 

Madaxweyne Erdogan ma shaacin quwadaha shisheeye ee weerarka ku ah dhaqaalaha dalkiisa, hase yeeshee waxay dhowaanahan xiisad xooggan kala dhaxeysa Mareykanka iyo ururla Midowga Yurub.

Mareykanka iyo Turkey ayaa isku haya habka difaacca gantaallada S-400 oo Ankara ay kasoo iibsatay Ruushka, taasi oo Washington ay kasoo horjeedo, halka dalalka Midowga Yurub iyo Turkey ay isku hayaan loolanka Ankara iyo Greece oo ee dhul-badeedka badda Mediterranean-ka.

Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaaboyin cusub oo ay waxa kaga qabaneyso xasaradaha dhaqaale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More