SOMALIA: Qarax ka dhacay Muqdisho – Axadle

Muqdisho (Axadle) –Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa shilalkii ka dhashay qaraxii caawa ka dhacay saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir meel aan ka fogeyn isgoyska Dabka.

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa Taliyihii Booliska degmada Waaberi Axmed C / laahi Baashane oo loo yaqaan Taliye Calooley, halka saraakiil iyo askar badan ay ku dhaawacmeen isla goobta.

Saraakiisha dhaawacmay waxaa sidoo kale ku jira taliye ku xigeenka saldhiga Waaberi ee la duqeeyay.

Wararku waxay intaas ku darayaan inay jiraan shilal waaweyn oo dhex maray dadkii shacabka ahaa ee halkaas marayay, iyadoo isgoyska Dabka oo ku dhow saldhigga uu ahaa mid mashquul ah oo aan weli la ogaan karin tirada shilalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More