Sawirro iyo wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha waddada Muqdi…

Muqdisho (Axadle) – Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa si habsami leh u socda, iyadoo maalmihii u dambeeyay la bilaabay in qeyb ka mid ah Wadada la saaro laamiga.

Waxaa socda dhismaha illaa 13KM oo laga bilaabay agagaarka Ex Koontarool Balcad, kaasi oo kamid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Dhismaha wadada oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday ayaa waxaa maal-galisay dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka.

Qatar ayaa sidoo kale hore u bixisay mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo marxalado adag oo uu maray kadib gaba-gabowday, halka midka Muqdisho iyo Balcad uu marayo marxalad bilow ah.

Wadada laamiga ah ee bilowgeeda uu socdo ayaa wax badan ka tari doonta isku socodka Caasimadda Muqdisho iyo Balcad, oo ay hore ugu dhib qabeen dadweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More