Midowga Mushariinti oo “boob hanti qaran” ugu yeeray bixinta

Golaha Midowga Murashaxiinta oo walaac xoog leh ka muujiyay waxa ay ugu yeereen ‘boobka hanti qaran’ ayaa sheegay in ay lidi ku tahay nidaamka Dowladda in Xukumadda Soomaaliya ay bixiso rugsadaha shidaal baarista Soomaaliya iyada oo dalku ku jira marxalad doorasho.

“Golaha wuxuu u arkaa in ay boob hanti qaran tahay in iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala-guur ah, ay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS ku dhiirrato bixinta ruqsadaha baarista Batroolka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Musharixiinta oo ay aragtay Axadle.

Talaabadaan ayaa midowga Musharixiinta Soomaaliya ee 2021, ugu yeereen taalaabo “kaloo dhaawacaysaa dadaalkii iyo heshiiska geeddi socodka dayn cafiska ee ay Dowladda Federaalka ahi kula jirto Hay’adda Lacagta Adduunka”.

“Magacaabista hay’adahaasi ma aha kuwo waafaqsan sharciga dalka iyo habraaca magacaabineed intaba” ayaa lagu yiri bayaanka iyada oo xukumaddii xilgaarsiinta ay horay u magacaawday guddiga batroolka Soomaaliya.

July 2020 ayaa xukumaddii xilgaarsiinta ee ay kalsoonida kala leebteen baarlamaanka Soomaaliya waxa ay magacaawday hay’adda batroolka Soomaaliya oo ka kooban 9 ruux oo uu gudoomiye ka yahay Ibraahim Cali Xasan.

“Goluhu wuxuu ka dalbanayaa Hogaamiyaha Dawlada Federaalka ah in uu ka waantoobo ku takrifalka iyo musuqmaasuqa hantida Qaranka, si deg deg ahna u joojiyo ruqsad bixinta baarista Baatroolka, maadaama uu dalku xilli kala guur ku jiro, si looga badbaado dhac loo geysto kheyraadka dalka oo saameyn taban ku yeelanaya faca nool iyo kan soo socda intaba” ayaa lagu yiri Bayaanka Midowga Musharixiinta.

Halkaan ka aqri qoraalka Midowga Musharixiinta:-

War murtiyeed Ruqsadaha Shidaal Baarista

sharciga-batroolka-Soomaaliya-16-May-2019

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More