Falastiin:-Wiil yar oo dhintay kadib markii ay garaaceen

Wiil dhalinyaro ah oo Falastiini ah ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray ka dib markii ay ku garaaceen ciidamada Israel meel u dhow magaalada Turmus-Ayya ee waqooyi-bari ee Ramallah, sida laga soo xigtay warbaahinta Falastiin.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in Amer Abedalrahim Snobar uu lakeenay isbitaalka ka dib markii “si xun looga garaacay qoorta”.

Ahmed al-Bitawi, oo ah agaasimaha xarunta caafimaadka ee Falastiin, ayaa u xaqiijiyey wakaaladaha wararka ee Falastiin in Snobar uu u dhintey dhaawac ka soo gaarey weerar ay soo qaadeen ciidamada Israel.

“Waxaa jiray calaamado muuqda oo garaacis ah kuwaas oo ka muuqday qoorta Snobar” ayuu yiri Bitawi.

Xarunta caafimaadka ayaa soo warisay in dhaawacyada qoorta ee soo gaaray Snobar ay u muuqdaan in baadka qoryaha askarta Israel si xun loogu garaacay.

Bayaan ay soo saareen, Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) waxa ay ku eedeeyeen ciidamada Israel “fal naxariis daro ah kana baxsan bini aadannimada oo lagula kacay wiil dhalinyaro ah oo aan is difaaci Karin, isla markaana waxa loo dilay ay tahay waxa uu u dhashay Falastiin”

Hanan Ashrawi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan PLO ayaa bayaanka ku sheegtay in Sanouber ay “qariyeen” ciidamada Israel balse markii dambe la helay dhaawiciisa.

Snobar waxa uu ka soo jeedaa tuulada Yatma, ee koonfurta magaalada la haysto ee Nablus oo ku taalla Daanta galbeed.

Xubno ka tirsan kooxda caafimaadka aan dawliga ahayn ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Falastiin in ay isku dayeen in ay badbaadiyaan ka hor inta aan loo wareejin xarunta caafimaadka.

Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay ka jawaabeen weerar ka dhacday waqooyiga Ramallah kadib markii dhagxaan lagu tuuray gaari ciidan oo halkaasi maraayay.

Israel waxa ay sheegtay in ay ciidamo u dirtay Waqooyiga Ramallah iska markaana ciidankoodankoodu lakulmeen rabshado.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen ciidanka Israel oo cayrsanaya labo dhalinyaro oo rees Falastiin ah.

Qoraal ay soo saareen ciidanka Israel ayay ku sheegeen ” labada tuhmane ayaa isku dayay in ay cagahooda ku baxsadaan……. mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa sida muuqata miyir daboolmay, waa uu dhacay madaxa ayuuna dhulka ku dhufsaday, ciidamadeenu ma aysan garaacin Eedeysanaha”

Hadal uu soo saaray, garabka bidix ee caanka ah ee xoraynta Falastiin (PFLP) wuxuu ku sheegay in dilka Snobar uu noqon doono “habaar ku sii socon doona ugaarsiga khaa’imiinta Carabta” – isaga oo tixraacaya heshiisyadii caadiga ahaa ee ay dhowaan gaareen Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Suudaan. “Jawaabta fal-dambiyeedkan foosha xun waa in laga laabto aqoonsiga hay’ada Yuhuuda iyo dhamaan heshiisyadii ka dhashay, iyo sameynta hogaan qaran oo mideysan oo hogaamin kara iska caabinta shacabka ee ka dhanka ah qabsashada Yuhuuda” ayaa lagu yiri bayaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More