Dhaqaatiir uu ku dhacay Covid-19 oo dadka ka daweynaya

6

Xannuunka Covid-19 ayaa saameeyay waddamada Qaaradda Yurub oo si joogta ah maalin waliba looga diiwaangeliyo dhimasho, kiisas cusub iyo dadka ka caafimaaday xannuunka Coronavirus.

- Advertisement -

Biljamka (Belgium) waxa uu soo galay booska 24-aad guud ahaan Caalamka waddamada laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee xannuunka, halka liiska kala sareynta qaaradda Yurub uu tiigsaday kaalinta 8-aad.

Maanta oo talaado ah kuna beegan 27/10/2020 waxaa laga diiwaangeliyay 12,687-bukuuno cusub & dhimashada 89-ruux, waxa uu xitaa cudurku haleelay dhaqaatiirta xannuunka dadka ka daweyneysay.

 

Isbtilaal ku yaalla Magaalada Liege ee looga hadlo Afka Faransiiska ayuu ku dhacay cudurku, waxaana la waayay dhaqaatiir ka badqabta xannuunka oo kaalin ka qaadata la dagaalanka faafitaanka fayruska.

25% Howlwadeenada ka shaqeysa Isbitaalka ku yaalla Magaalada Liege waxaa jirkooda laga helay Covid-19, taasi waxa ay sababtay in Dowladdu ay amar ku bixiso in dhaqaatiirtu ay is daweeyaan, sidoo kalena daryeelaan bukaanada kale.

Dhaqaatiirta ayaa la kala xulanaa, iyada oo shuruud laga dhigay in jirkooda uusan ka muuqan calaamada xannuunka, howlwadeenkii sidaas ah waxa uu ka howlgalayaa 10-isbitaal oo ku yaalla Magaaladaas.

Waddamada Yurub ayaa qaadanaya go’aamo qaraar oo wax looga qabanayo xaaladda halista ah cudurka Covid-19, dalka Poland ayaa garoonka xulkooda ka dhigay isbitaal dadka lagu daweeyo, halka Talyaaniga Kaniisadaha iyo meelo kale lagu dhigay goobo lagu daweeyo dadka uu haleelo cudurka Covid-19.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More