Liverpool vs FC Midtjylland & Marseille vs Man City –

1

Liverpool ayaa gaoronkeeda Anfield ku qaabilaysa FC Midtjylland waxaana Klopp iyo xiddigihiisu ay raadin doonaan in guushii labaad ay kasoo hooyaan tartankan, si ay kaalinta koowaad ugaga soo bixi karto Group D.

- Advertisement -

Reds waxay ciyaartii hore 1-0 dirqi ah kaga soo badisay Ajax, halka Midtjylland si xun loogu soo karbaashay kulankii hore oo ay 4-0 kusoo jiidhay Atalanta BC.

Liverpool ayaa taariikh cusub doonaysa inay ka dhigto tartanka Champions League marka ay caawa qaabbisho Midtjylland, waxaanay raadin doontaa in markii  u horreysay ay hesho laba guulood oo xidhiidh ah marxaladda Groups-ka, taas oo ay ugu dambaysay xili ciyaareedkii 2008-09.

Guushii usbuucii hore oo laga dareemayay maqnaanshaha Virgil van Dijk, waxa Liverpool nasiiib ay u yeelatay in Nicolas Tafliafico uu gool iska dhaliyo, taasina ay siisay wiilasha Klopp niyad wanaagsan iyo inay guul ku bilowdaan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Midtjylland

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Pawel Raczkowski (Poland)

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa ka maqan laacibka khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo aan kasoo kabanin dhaawacii kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby oo uu dacasaad ku qabtay Richarlison.

Joel Matip ayaa sidoo kale aan joogin, waxaana difaaca dhexe mar kale kusoo bilaaban doona Fabinho oo ka ciyaari doona booskii Virgil van Dijk oo dhaawac ku maqnaanaya inta ka hadhay xili ciyaareedka.

Laakiin goolhaye Alisson Becker oo usoo laabtay kulankii Sheffield United ayaa kusoo bilaaban doona ciyaarta, halka Naby Keita oo u jiifay xanuunka Korona Fayras ay maalmo yar uga hadhsan yihiin waqtigii soo laabashadiisa.

Kostas Tsimikas iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaan wali la garanayn xilliga ay soo noqonayaan.

Mohamed Salah ayaa kulankii 50aad oo Champions League ah ciyaari doona haddii uu tababare Jurgen Klopp kusoo bilaabo safkiisa, waxaana uu barbarrayn karaa rikoodhkii goolasha ee Steven Gerrard oo Liverpool usoo dhaliyey 21 gool oo tartankan ah.

Diogo Jota oo ciyaartii horyaalka Premier League ee Sheffield United saftay, tababare Klopp na u ogolaaday inuu ku ciyaaro shax ka koobnayd 4-2-3-1, ayaa rajaynaya inuu kasoo garab bilaaban doono Mohamed Salah iyo Firmino, isla markaana qaybta hore la nasin doono Sadio Mane.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Fabinho, Gomez, Robertson; Milner, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Jota

FC Midtjylland: Hansen; Andersson, Sviatchenko, Scholz, Paulinho; Onyeka, Cajuste; Dreyer, Sisto, Mabil; Kaba.

 

Manchester City ayaa ku sugan waddanka Faransiiska oo ay caawa kula soo ciyaari doonto Marseille, waxaana uu Guardiola waajihi doonaa macallinkii hore ee Chelsea ee Villas-Boas.

City waxay ciyaarteedii hore 3-1 kusoo garaacday FC Porto oo gool kaga naxsatay, waxaana la baxsaday oo goolasha u dhaliyey Sergio Aguero, Ilkay Gundogan iyo Ferran Torres.

Laakiin Marseille ayaa guul-darro kala soo laabatay booqasho ay ku tagtay waddanka Giriiga, waxaana 1-0 kusoo dhufatay Olympiacos oo gool rikoodhe ahna iska khasaarisay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Marseille vs Man City

Tartanka: Champions League, Group C

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garsoorka: Stade Orange Velodrome

Garsooraha: Tobias Stieler (Germany)

Wararkii ugu dambeeyey 

Kooxda martida loo yahay waxa dib ugu soo laabanaya shaxdeeda koowaad xiddiga khadka dhexe ee Dimitri Payet oo ganaax ku seegay kulankii hore, waxaana uu tayo dheeraad ah kusoo kordhin doonaa Marseille maadaama uu aqoon u leeyahay ciyaaraha Ingiriiska.

Manchester City waxa weerarkeeda hoggaamin doona Sergio Aguero oo 45 daqiiqadood ciyaaray kulankii West Ham, laakiin waxa maqan Gabriel Jesus, Benjamin Mendy iyo Fernandinhgo halka Nathan Ake uu isaguna maqan yahay, balse Aymeric Laporte ayaa helaya fursad.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Marseille: Mandanda; Caleta-Car, Gonzalez, Balerdi; Sakai, Kamara, Rongier, Amavi; Thauvin, Benedetto, Payet

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Zinchenko; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Torres, Sterling, Foden

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More