Borussia Monchengladbach vs Real Madrid – Zidane Oo Guushii

5

Real Madrid ayaa raadin doonta inay guushii ugu horreysay ee Champions League ee xili ciyaareedkan 2020-21 diiwaan-gashato marka ay caawa tagto waddanka Jarmalka oo ay marti ugu noqonayso Borussia Monchengladbach.

- Advertisement -

Los Blancos ayaa guul-darro lama filaan ah loogu xambaariyey garoonkeeda kulankii koowaad ee Champions League, waxaana ka naxsatay Shakhtar Donetsk oo u dhiibtay 3-2, halka Gladbach ay iyaduna barbarro 2-2 ah lasoo gashay Inter Milan.

Group B oo ay ku urursan yihiin Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan iyo Borussia Monchengladbach ayaanay jirin koox guuleysatay illaa hadda marka laga reebo Shakhtar oo iyadu kasoo yaabsatay Real Madrid.

Galadbach oo kulankeedii hore marti ku ahayd magaalada Milan ayaa waxay ayaa ka daba timid goolal uu waqti hore ka dhaliyey Romelu Lukaku, waxaanay awood u yeelatay inay hal dhibic kala soo laabato, halka kulankii xigay ee horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ee toddobaadkanna ay 3-2 kaga soo adkaatay Mainz 05, taas oo keentay inay booska shanaad ee miiska kala-sarraynta kusoo fadhiisato iyadoo haysata siddeed dhibcood.

Madrid ayaa dhinaceeda guul-darrooyinkii labada ahaa ee isku xigay ee Champions League iyo horyaalka ee kasoo gaadhay Shakhtar iyo Cadiz waxay iska reebtay guushii weynayd ee Sabtidii ay ka gaadhay Barcelona oo ay kusoo garaacday 3-1, iyadoo ay goolashana u dhaliyeen Fede Valverde, Sergio Ramos iyo Luka Modrid.

Los Blancos ayaa iska aamusiisay canaantii loo jeedinayay, waxaanay hadda haysataa 13 dhibcood, iyadoo horyaalkana hoggaaminaysa, balse waxay u baahan yihiin inay kulanka caawa guul ka keenaan haddii kale, waxa durba bilaabmi doonta eedayntii iyo canaantii iyadoo tababare Zidane mar kale uu culays shaqsi ah oo shaqadiisa halis gelin karaa dusha ka hori doono.

Real Madrid oo xili ciyaareedkii hore wareegga 16ka kaga hadhay tartanka Champions League, labadii kulanna ay ka badisay Manchester City ayaa waxay ugu yaraan doonaysaa inay xili ciyaareedkan hore u dhaafto halkaas, balse kooxda haysata 13ka koob ee Champions League ah, waxay tahay inay guulaha ka bilaabaan caawa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Borussia Monchengladbach vs Real Madrid

Tartanka: Champions League, kulamada 2aad ee Group B

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Borussia-Park

Garsooraha: Orel Grinfeld (Israel)

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Gladbach waxa ka maqan Andreas Poulsen, Denis Zakaria iyo Laszlo Benes oo ciyaartii hore ee Inter ay la dheeleenna aan joogin, sidoo kalena waxa uu shaki ku jiraa Mamadou Doucoure oo muruqa wax ka qaba.,

Valentino Lazaro ayaa kusoo laabtay tababarka markii uu kasoo kabtay dhibaato ka haysatay kuraanta, laakiin laacibkan amaahda ugaga yimid Inter ayaan wali ciyaarin tan iyo bishii August.

Marcus Thuram, Alassane Plea, Jonas Hafmann iyo Florian Neuhaus ayaa dhamaantood la nasiyey kulankii Mainz, waxaanay diyaar u yihiin inay Real Madrid halgan adag la  galaan.

Dhinaca kale, Real Madrid ayuu usoo laabtay Eden Hazard oo ka mid ah ciyaartoyda u safartay Jarmalka, laakiin lama filayo inuu ciyaari doono maadaama uu muddo dheere dhaawac ahaa.

Dani Carvajal, Martin Odegaard, Mariano Diaz iyo Alvaro Odriozola ayaa dhamaantood dhaawac ka ah Real Madrid, waxaana ciyaartii El Clasico ee Barcelona ka daba tegay Nacho Fernandes oo isaguna dhaawac noqday, taas oo ka dhigan in difaaca midig uu ka ciyaari doono Lucas Vazquez.

Zidane ayaa la filayaa inuu ku dhegsanaado inta badan shaxdii uu kula ciyaaray Barca, taas oo ka dhigan in Modric uu mar kale aqbalo inuu kaydka fadhiyo oo uu Federico Valverde kusoo bilowdo khadka dhexe.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane oo kooxdiisu toddobaadka dambe ay la dheeli doonto Huesca, waxa uu kulanka ugu muhiimsan u arkaa  ciyaarta caawa, taas oo ka dhigan inuu kusoo bilaabi doono Karim Benzema, Casemiro, Ramos iyo Raphael Varane.

Waxa kale oo uu haystaa Zidane oo uu kala dooran doonaa inuu kusoo bilaabo ama uu beddel kusoo geliyo Luka Jovic, Rodrygo iyo Isco, halka Mariano iyo Vinicius ay kusoo garab bilaaban doonaan Benzema.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Borussia Monchengladbach: Sommer; Lainer, Ginter, Elvedi, Bensebaini; Kramer, Neuhaus; Hofmann, Embolo, Thuram; Plea

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Varane, Ramos, Mendy; Valverde, Casemiro, Kroos; Vinicius, Benzema, Asensio

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More