DEG DEG: Maamulkii Abiy oo ka cararay Caasimadda Tigray

Mekele (Axadle) – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa isaga carartay magaalada axadle ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay kusoo dhowaadeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan.

Arrintan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sideedda bilood ka socda gobolkaas, iyo guul-darro siyaasadeed oo soo wajahday Abiy Ahmed.

“Qof kasta waa uu cararay. Kii ugu dambeeyey galabta ayuu ka baxay. Gobolka ma lahan wax dowlad ah iminka,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan dowladdaas oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Kahor inta aysan gobolka ka cararin, dowladda ayaa ku baaqday xabad-joojin, ayada oo sheegtay in ciidamada federaalka ee taageersan Abiy Ahmed ay ka baxayaan gobolka.

Maalmihii dhowaa ayaa dagaal xooggan wuxuu ka socday gobolka, ayada oo ciidamada Tigray ay soo qabsadeen deegaano badan kuna soo siqeen magaalada axadle ah ee Mekele.

Madaxda dowladda carartay Abraham Belay ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in magaalada ay kusoo socdaan ciidamada Tigray.

Naga filo, faah-faahin dheeri ah goor dhow, Insha Allah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More