Jabuuti oo iibin doonta saamiga laga tirada badan yahay ee Shirkadda Isgaarsiinta ee Dawladdu Maamusho

Jabuuti waxay iibin doontaa saamiga “tirada yar ee muhiim ah” ee shirkadda Djibouti Telecom SA shirkad istiraatiiji ah, taas oo qayb ka ah qorshe lagu furfuraayo dhaqaalaha isla markaana lagu casriyeynayo dhaqaalaheeda, ayey dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu shaaaciyay sidoo kale in Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ay ansaxisay xeer qabyo ah oo ku saabsan in shirkadda isgaarsiinta ee dalkaasi ee Jabuuti Telecom oo ay dowladdu leedahay , qayb yar oo ka mid ah saamigeeda laga iibiyo maalgashadayaasha lagu kalsoonyahay ee shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Dalka ay ku noolyihiin ku dhowaad 1 milyan oo qof, oo ku yaal mid ka mid ah marinnada maraakiibta adduunka ugu mashquulka badan, ayaa noqon doona mid ka mid ah waddammadii ugu dambeeyay ee Afrika ee hirgaliya xeerka lagu furfuraayo waaxda isgaarsiinta.

Tallaabadan ayaa ah mid ay xukuumadda Jabuuti ku tilmaantay tallaabo Taariikhi ah oo suurtagalinaysa in la furfuro lana horumariyo dhaqaalaha dalkaasi oo ay inta badan gacanta ku hayso dowladda. Balse dadka odorasa siyaasadda geeska africa ayaa calamad su’aal galinaya ciida loo gacan galinaayo qeybtan yar ee ay dawladdu sheegtey in ay iibineyso.

Dalka dariska la ah Jabuuti ee Itoobiya ayaa isna ku guda jira iibinta 40% shirkaddeeda dowladdu leedahay, waxayna dhawaan lasiisay shatiyo isgaarsiineed oo cusub shirkad ay ku jiraan U.K.’s Vodafone Group Plc.

Iyada oo ay tahay dadka adduunka ugu dhalinyarada badan uguna dhaqsaha badan, qaarada Afrika waa suuq soo jiidasho u leh shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta. Jabuuti waxay martigelisaa xargaha internet ku dhawaad laba iyo toban xarig oo awood sare leh, waxayna awood uu ledahay soo saarista shabakad 4G ah, ayay dowladdu sheegtay, maalgashadayaashuna sidoo kale waxay fursad u heli doonaan inay ku ballaariyaan lacagta lasyugu diro moobiilka iyo  iswaydaarsiga xarumaha xogta.

Jabuuti waxay qorsheyneysaa inay “dardar geliso xawaaraha isbedelka ee shirkadaha dowladeed, si ay si wanaagsan ula qabsato tartamada caalamiga iyo kuwa gobolka,” ayuu madaxweyne Ismaïl Cumar Geelle ku yiri bayaanka. “Iyo in la hubiyo in shirkadahaasi ay si buuxda uga qayb qaataan dadaalka qaran ee soo bixitaanka iyo maalgelinta horumarinta.”

Waddanku wuxuu abuuray sanduuq maaliyadeed oo madax-bannaan sanadkii hore, isagoo bartilmaameedsanaya tabarucaadka $ 1.5 bilyan ee warshadaha kala duwan toban sano gudahood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More