Rooble oo magacaabay xubno lagu kordhinayo Guddiyada

Raysul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka ay ku dareyso Guddiyada doorashada Dowlad Goboleedyada 5 ah ee dalka.

- Advertisement -

Xubnaha lagu kordhiyay Guddiyada ayaa waxa ay ka kooban yihiin min 3 xubnood oo Guddi walba ee dowlad goboleedyada soo gudbisay lagu darayo.

Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay u soo magacaabay min 8-da Xubnood ee u matala Doorashada heer dowlad Goboleed.

Hase ahaatee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo magacaabin guddiga doorashada heer dowlad Goboleed.

Halkaan ka aqri

Dhanka kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada Banaadiriga oo dooshadoodu ka dhacayso magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddigaan ayaa ka kooban 11 xubnood sida la mid ah guddiga doorashadda Dowlad-goboboleedyada dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More