Al-Shabaab oo sheegtay in ay weerar Saldhigyo Ciidanka Kenya ku leeyihiin Jubada Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay xili hore weerar safmar ah ay ku qaaday xeryo ciidamada Kenya ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Degmada Afmadow iyo Deegaanka Qooqaani.
Dagaalka ayaa ku bilawday Garneelada Garbaha laga tuuro, waxaana ka qaybgalay Gaadiidka Ciidamada ee hubka culus ku xiran, halka mararka qaar la maqlay Hoobiyaal lagu tuuray xerada iyo kuwo Askarta ay ku jawaabayeen.
Ciidamada Kenya waxaa Afmadow la jooga Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka…