Malta oo xirtay Askari dhaawacay Tahriibe Soomaali ah!
Darren Bonello oo kamid ah Ilaalada Xerada Qaxootiga Malta ee Safi ayaa lagu oogay dacwad ka dhan ah dhaawac uu u geystay Cabdiraxmaan Cabdullaah Xamsa oo ah tahriibe Soomaali ah oo ku sugnaa xeradaas.
Askariga ayaa la sheegay in uu rasaasta furay kadib markii ay baxsadeen 27-ruux oo uu qayb ka ahaa Wiilka Soomaaliga ah, maadaama uu doonayay in uu cabsi geliyo dadka si aysan xerada uga baxsan.
Darren Bonello oo ah 30-Sano jir ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana hubka looga…