Joe Biden oo hal sano ku kordhiyey cunaqabteyntii Mareykanka ee Soomaaliya
Washington (Axadle) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad ah ku kordhinaya cunaqabateynada Mareykanka uu kusoo rogay Soomaaliya, kuwaas oo ay horey u saxiixeen madaxweyne Obama iyo Trump, sida uu sheegay Aqalka Cad.
“Xaaladda Soomaaliya waxay weli halis aan caadi aheyn kusoo rogeysaa amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.
“Sababtan darteed, xaaladda deg…