Hordhac: Chelsea vs West Brom – Rikoodhka Tuchel Ee Sii Socda,
Chelsea ayaa duhurnimada maanta garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbilaysa West Brom, waxaanay raadin doontaa guul ay kusii xajisato booskeeda kaalinta afraad iyo in ay kusii dhowaato Leicester City oo saddexaad fadhida haddii ay natiijo wanaagsan ka keeni weydo ciyaarta Man City ee isla maanta.Tababare Thomas Tuchel ayaa wali sii wata rikoodhkiisa guul-darro la’aanta ee tan iyo intii uu yimid kooxda, waxaanu Blues keenay wareegga siddeedda Champions League iyo kaalinta afraad ee horyaalka iyadoo uu kasoo qaaday booska…