Xeer ilaaliyaha guud wuxuu laalay dhamaan eedeymihii loo haystay
Muqdisho (Axadle) – Qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.
Garyaqaanka Guud Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa meesha ka saaray dhammaan eedeymihii loo haystay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, wasiirka amniga Jubbaland oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya.
Warqad SUM: XXIG / 26/2021, kuna taariikheysan…