Fannaanada Ugbaad Aragsan oo Hargaysa lagu xidhay

 Talaado, April, 16, 2024 (AX) - Booliiska Northern Somalia ayaa xabsiga u taxaabay fannaanada Ugbaad Maxamuud Cabdi 'Ugbaad Aragsan', oo lagu eedeeyay in ay faafisay muuqaalo anshax xumo ah.Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Ciidanka Booliiska Northern Somalia, fannaanada waxa lagu xidhay eedayn la xidhiidha in ay baraha bulshada ku faafisay muuqaalo dhaqanka iyo diinta kasoo horjeeda."Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha…

Hogaamiye Xasan Sheikh oo shir isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

 Arbaco, April, 17, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir ugu yeeray inay kasoo qeyb galaan shirka golaha wadatashiga.Shirkaan oo dhici doona 20-ka iyo 21-ka bisha Abril ayaa madaxweynuhu sheegay, in looga hadli doono la dagaalanka argigixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.Shirkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan war ku saabsan in dowlad goboleedyada la filayo in ay soo saaraan war-murtiyeed ay…

northeastern oo qaaddacday shirka golaha wadatashiga ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheikh

 Arbaco, April, 17, 2024 (AX) - northeastern ayaa qaaddacday shirka wadatashiga ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, uu ugu yeeray madaxweynaasha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.Wasiirka warfaafinta northeastern, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin oo ay wada xaajood la galaan.“Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay dib ugu soo laabato ka hor inta aan laga doodin masiirka Soomaaliya” ayuu…

G7 Strengthens Global Agreements, Enhances Partnerships with Africa

Italy - G7 ministers, including those from Canada, France, Germany, Italy, Japan, the United Kingdom, the United States, and the EU High Representative, have reaffirmed their dedication to global peace, human rights, and the rule of law while facing various international crises. They emphasized the importance of working together to combat issues like climate change, terrorism, and digital rights amidst challenges from the pandemic and ongoing global tensions. The ministers also committed to strengthening ties with African…

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya laba qof oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Arbaco, April, 17, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qof oo shacab ahaa oo lagu dilay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu rasaas ku furay nin ku hubeysnaa qori Ak47 ah.Labada nin ee toogashada lagu dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdinuur Sandheere oo loo yaqaano Cabdi Geedow iyo Cabdullaahi Cismaan Shidane.Dilka ragaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay murun la xariira dhul dhaxaltooyo ah oo kala dhaxeeyay ninka wax dilay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyeen guddoomiye ku…

Northern Somalia: Saddex caruura oo walaalo ah oo ku dhintay daad qaaday

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Saddex caruura oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii uu daad ku qaaday deegaanka Xididaley ee Gobolka Saaxil ee Northern Somalia.Geerida caruurta ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay  roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys kasoo wada jeeda."Reer dhan ayuu roobku qaaday caruurtii iyo adhigiiba, odayga iyo islaantuna way ka maqnaayeen ayaa la yidhi, waxa uu qaaday 4 caruura, markaa inan wuu…

Shirkii Hogaamiye Xasan Sheekh uu isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada dalka oo baaqday

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Shirkii golaha wadatashiga qaranka ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud oo lagu waday in berito uu ka furmo Muqdisho ayaa la sheegay inuu u baaqday sababo farsamo awgood.War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu shaaciyay in shirka golaha wadatashiga qaran uu u baaqday cilado farsamo, islamarkaana dib loo dhigay mudo kooban.Baaqashada shirka golaha wadatashiga qaran ayaa warar hoose oo soo…

Hogaamiyaha Galmudug oo balan qaad muhiim ah u sameeyay dadka dagan dhulka dab damiska

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Galabta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay guddi odayaal ah oo ka socday dadka dagan dhulka xerada dab damiska oo dowlada Fedaraalka amartay in laga guuro.Odayaashaan ayaa cabasho ka ahaa amarka ay duldhigtay dowladda Soomaaliya ee la xariiray iney isaga guuraan dhulka dab damiska oo ay dowladdu u baahan tahay.Hogaamiye Qoor qoor ayaa odayaasha ka socday dadka degan dab damiska u balan qaaday in berito oo ku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More