Maxay tahay shaqada guddiga Doorashada iyo Xallinta
Raysul Wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta iyo Khilafaadka ee heer Federaal.
- Advertisement -
Guddiyadan oo ka kooban 25 xubnood oo ah guddiga doorashada iyo 21 xubnood oo ah guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa la magacaabay kadib markii dowlad goboleedyadu soo dhameystireen xubnihii u matali lahaa.
Guddiyadan ayaa waxa ay maamulidoonaan doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose oo dhawaan ka bilaabandoona dowlad goboleedyada iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ma cadda meesha ay wax ka bilaabi doonan xubnahaan la magacaabay kuwaasoo la filayo in ay maalmaha soo aadan bilaaban kulamo ay ku dooranayaan guddoon kahor inta aysan qaadan tababar ku saabsan shaqadooda.
Dib-u-dhaca laba qodob oo muhiim u ahaa jadwalkaas ayaa sarre u qaadey walaaca xisbiyada mucaaradka gaar ahaan in coddeynta soo aadan ay ku qabsoomi doonto waqtigii loo muddeeyay.
Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod.
Guddiga maamuli doona doorashada
Guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada maamul goboleedkasta ayaa ka koobnaan doona 11 xubnood oo sideed ka mid ah ay ka iman doonaan dhinaca maamul goboleedyada halka saddexda kalana ay dowladda federaalka ah soo magacaabi doonto.
Halka guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada Gobaladda Waqooyi la sheegay inay soo magacaabi doonto Xukumadda Federaalka ah iyagoo latashanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi.
Qodobkanse waxa ka soo horjeestay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo warqad uu soo saaray ku shaacinayay in xukumadda Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay soo magacaawdo guddiga maamulayada doorashada Gobaladda Waqooyi.
Guddiyadaas ayaa la sheegay in ay xilkooda ku gudan doonaan si ka madaxbanaan dhammaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara.