Puntland oo shaacisay inay saraakiil ajaaniib ah iyo kuwa So…

Garoowe (Axadle) – Dowlad goboleedka Puntlnad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in howl-galkii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanka Balidhihin lagu dilay xubno Daacish ah, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la khaarijiyey ay kooxda Daacish u qaabilsanaayeen miinooyinka iyo duubista muuqaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay oo labo gaaraya ayaa waxaa ka mid ah nin ka soo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada Oromada, waxaana magaciisa Puntland ay ku sheegtay Maxamed Siraaj Salmaan, halka kan Soomaaliga lagu magacaabi jiray Luqmaan Maxamed Xaaji.

“Waxaan dilnay labo dagaalame oo ka tirsan Daacish mid waxa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada magaciisana waxaa la yiraahdaa Maxamed Siraaj Salmaan halka kan kale uu yahay Soomaali la yiraahdo Luqmaan Maxamed Xaaji,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka ee aamulka Puntland.

Sidoo kale wuuxu intaais ku daray in marka la dilayey xubnahan ay miino ay ku aasayeen xilligaas waddo ay isticmaalaan ciidamada howlgallada wada ee Puntland.

Dhinaca kale illaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo la xiriira howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Puntland.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Puntland ay sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado dhulka buuraleyda gobolka Bari ee maamulkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More