CODEYN: 20-ka Xiddig Ee Abid Ugu Fiicnaa
Lionel Messi ayaa ah xiddiga abid goolasha ugu badan usoo dhaliyay hal koox balse sidaas oo ay tahay haddana waxa uu seegay booska 1-aad ee xiddiga ugu fiican ee abid Barcelona usoo ciyaaray kaddib cod jamaahiirta laga qaaday.
- Advertisement -
Xog ururin iyo cod ay jamaahiirtu ku dhiibteen barta Ranker, Lionel Messi ayaa kaliya booska 2-aad kasoo galay kala doorashada 20-ka xiddig ee loo arko kuwii abid ugu fiicnaa ee Barcelona usoo ciyaaray.
Halyeeyga booska 1-aad ka galay Messi ayaa ah Diego Maradona oo ay Argentina kasoo wada jeedaan waxaana loo doortay midkii ugu fiicnaa ee abid Barcelona u ciyaaray.
Halyeeyo iyo xiddigo badan oo magac weyn ayaa lagu qasbay inay seegaan tobbanka ugu sarreeya waxaana kamid ah halyeeygii kooxdaas ee intii u dhaxaysay 1940 ilaa 1950 ee Cesar Rodriguez, sidoo kale Rivaldo iyo Neymar.
Daafaca Barcelona ee hadda ee Gerard Pique iyo weeraryahankii ay xagaagii u fasaxeen Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa labaduba tobbanka sarre soo galay balse ka dambeeya Carles Puyol iyo Xavi Hernandez.
Shanta sarre ayaa ah kuwo ay aad u adagtahay in la kala saaro xataa haddii tiro loogu kala coddeeyay, xiddiga Spanish-ka ah ee abid ugu koobabka badan ee Andres Iniesta ayaa booska shanaad soo galay waxaana uu ka dambeeyaa Johan Cruyff iyo Ronaldinho.
Liiska Oo Dhammaystiran
1. Diego Maradona
2. Lionel Messi
3. Ronaldinho
4. Johan Cruyff
5. Andres Iniesta
6. Xavi
7. Carles Puyol
8. Ronaldo
9. Gerard Pique
10. Luis Suarez
11. Neymar
12. Dani Alves
13. Sergio Busquets
14. Samuel Eto’o
15. Rivaldo
16. David Villa
17. Ronald Koeman
18. Romario
19. Hristo Stoichkov
20. Victor Valdes