Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Arsenal Oo Dhameystirtay Saxiixii La Sugayay Thomas Partey
Arsenal ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo Thomas Partey oo ay kala soo wareegeen kooxda Atletico Madrid ka dib markii ay bixiyeen lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa kooxda reer Spain.
Gunners ayaa maanta go’aansatay inay miiska saarto 50ka milyan euro ee lagu burburinayay qandaraaska uu xiddiga reer Ghana ku joogay Atletico Madrid.
Arsenal ayaa lacagta 50ka milyan euro u gudbisay La Liga oo qaabilsan dhameystirka heshiiska ku yimaado burburinta qandaraaska,…
Man United Oo Dhameystirtay Saxiixii Weynaa Ee La Sugayay,
Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhameystirtay saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani kaasoo heshiis sannad ah u saxiixay kooxda isagoo sannad kale ku kordhisan kara.
33 jirkaan ayaa si bilaash ah ugu wareegay kooxda Shayaadiinta Cas Cas ka dib markii uu xagaagan dhamaaday qandaraaskii uu ku joogay kooxda Paris Saint-Germain.
Cavani ayaa tijaabada caafimaadka u maray maanta Manchester United ka hor inta uusan dhameystirin ku biiritaankiisa kooxda isagoo balanqaaday inuu goolal badan ku…
Man United Oo Si Rasmi Ah 40 Milyan Ugu Iibsatay Xiddig
Manchester United ayaa si rasmi ah 40 milyan euro ugu iibsatay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Atalanta Amad Diallo laakiin waxaa ku xiran sharuud ah inay kaliya la wareegi karaan bisha Janaayo.
Man United ayaa xiddigaan 18 jirka ka ciyaara garabka midig ku iibsatay 25 milyan euro oo kaash ah iyo 15 milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa.
Warbixin ay Man United soo dhigtay bogeeda Twitter ayaa lagu yiri:
“Waxaan heshiis kala gaarnay Atalanta saxiixa mustaqbalka Amad Diallo taasoo ku xiran tijaabada…
Xiddig Arsenal Ah Oo U Wareegay Atletico Madrid Xilli
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torriera ayaa heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Atletico Madrid iyadoo labada kooxood ay heshiiska qalinka ku duugeen saacadihii ugu danbeeyay.Xiddigaan ayaa maalmo ka hor tijaabada caafimaadka u maray Atletico, laakiin kooxda reer Spain ayaa sugeysay inay ciyaartoy iibiso ka hor inta aysan ku dhawaaqin saxiixiisa.Waxaana caawa lagala wareegayaa xiddiga khadka dhexe Thomas Partey kaasoo ku biiraya kooxda Arsenal ka dib markii ay bixisay lacagta lagu burburin karo…
“Noloshu Way Sii Soconaysaa”
Edinson Cavani ayaa farriintiisii ugu dambaysay ee macalaamaynta ahayd u diray jamaahiirta kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain, iyadoo uu isku diyaarinayo in laba saacadood gudahood si rasmi ah loogu soo bandhigo isaga oo xidhan maaliyadda ama shaadhka Manchester United.
33 jirkan reer Uruguay ayaa bishii June ka tegay PSG markii uu dhamaaday heshiiskiisu, waxaanu hadda waajahayaa loollanka cusub ee noloshiisa oo ah inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League.
Cavani oo in ka badan 200 gool u dhaliyey PSG muddo toddoba…
XOG: Sedex Arin Oo Uu Ku Fiican Yahay Alex Telles , Maxuu
Om
Press
Upphovsrätt
Kontakta oss
Kreatörer
Annonsera
Utvecklare
Villkor
Sekretess
Policy och säkerhet
Så fungerar YouTube
Testa nya funktioner
© 2020 Google LLC…
Manchester United Oo Si Rasmi Ah U Iibisay Daafac Weyn &
Manchester United ayaa daafaca dhexe ee Ingariiska Chris Smalling si rasmi ah uga iibisay kooxda AS Roma ka dib wadahadalo soo jiitamayay muddo seddex bilood ah.
Daafaca dhexe ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku joogay kooxda Talyaaniga isagoo si fiican u la qabsaday horyaalka Serie A ka dib markii uu ku fashilmay Old Trafford.
Smalling ayaa diiday xagaagan inuu dib ugu soo noqdo Man United madaama uusan boos joogta ah ka heleynin sidaasi darteed Man United ayay qasab ku noqotay inay iskawada iibiso.…
Xiddigii Arsenal U Waalaneysay Ee Thomas Partey Oo London Ku
Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano oo ah nin si weyn u la socda dhaqdhaqaaqyada suuqa kala iibsiga ee kooxaha Yurub ayaa goor dhow shaaciyay in xiddiga Atletico Madrid ee ay Arsenal u waalaneysay Thomas Partey inuu haatan ku sii jeedo magaalda London ee caasimada Ingariiska.
Thomas Partey ayaa ku biiraya kooxda Arsenal ka dib markii ay Gunners go’aansatay inay bixiso caawa lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico Madrid oo gaareysa 50 milyan euro.
Sida uu sheegay Fabrizio, maamulka kooxda Atletico…
Man United Oo Dhameystirtay Mid Ka Mid Ah Saxiixyadeedii Ugu
Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen kooxda FC Porto isagoo haatan ah ciyaaryahan Manchester United ah.
Man United ayaa xiddigaan ku soo xerogelisay lacag gaareysa 15 milyan euro iyo shan milyan euro oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedkiisa.
27 jirkaan reer Brazil ayaa Manchester United u saxiixay qandaraas afar sannadood ah isagoo qiyaar u heysta inuu sannad kale ku kordhisan karo heshiiska.
Alex Telles ayaa tijaabada caafimaadka maray islamarkaana…
Waa Kuma Xiddiga Uu Tababare Ronald Koeman Saxeexiisa
Tababaraha xilli ciyaareedkiisii koowaad la bilawday Barcelona ee Ronald Koeman ayaa la sheegayaa inuu kalsooni ku qabo in madaxda suuqa ee kooxdiisu ay maanta soo dhammaystiri doonaan saxeexa Memphis Depay oo Lyon ka tirsan.Barcelona ayaa la aaminsan yahay inay kaliya u dhaqaaqi doonto saxeexa Depay haddiiba uu Dembele ka baxo kooxdeeda laakiin Koeman ayaa warkiisa caddeeyay markii uu markale keydka dhigay Dembele kulankii Sevilla ee xalay.Kaddib markii ay qaar kamida maamulka Barcelona weydiiyeen Koeman sababta uu u…