Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Leicester City – Arteta Oo

Arsenal ayaa caawa garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelineysa kooxda Leicester City iyagoo rajeynaya inay wadada guusha ku soo noqdaan ka dib guuldaradii Manchester City ka soo gaartay isbuucii la soo dhaafay.Labada kooxood ayaa ka soo kabtay guuldaradii ka soo gaartay Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, iyagoo guulo ka gaaray kulamadoodii Europa League.Arsenal ayaa dib u heshay Dani Ceballos kaasoo dhaawac ku seegay kulankii Europa League ee ay 2-1 kaga badiyeen Rapid Vienna. Willian ayaa dhaawac ku maqan…

Real Madrid Oo Sii Magacowday 21ka Xiddig Ee Champions

Real Madrid ayaa durbaba magacowday xiddigaheeda Talaadada u safraya kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengaldbach ee Champuons League iyadoo Eden Hazard loo soo yeeray kulanka Jarmalka ka dhacaya.Xiddiga reer Belgium ayaan ciyaarin xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac cusub oo soo gaaray. Dhaawacyo ayaa hareeyay xiddigaan tan iyo markii uu tagay Real Madrid iyadoo dhibaatooyin uu ka qabo canqowga ay keentay inuu kaliya 22 kulan safto xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.Hazard ayaa tababar la qaatay kooxda inteeda kale maanta oo…

Saxiixa Cusub Ee Arsenal Thomas Partey Oo Lagu Qasbay Inuu

Saxiixa Arsenal Thomas Partey ayaa lagu qasbay inuu hees u qaado ciyaartoyda kooxda ka hor kulanka Leicester City ee caawa iyadoo dhaqanka uu yahay in xiddig walba oo cusub uu hees u qaado ciyaartoyda uu u imaanayo.Xiddiga khadka dhexe ee Ghana Thomas Partey ayaa ciyaartoyda sacab ka keenay ka hor kulanka caawa ee Leicester City iyadoo la filayo inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.Partey oo 27 sanno jir ah ayaa heshiis 50 milyan euro uga soo wareegay kooxda Atletico Madrid maalintii ugu danbeysay…

Jamaahiirta Real Madrid Oo Warkii Ay Sugayeen Ka Helay Eden

Real Madrid ayaa guul weyn oo muhiim ah oo 3-1 ahayd kasoo gaadhay kooxda uu loolanka taariikhiga ahi ka dhaxeeyo ee Barcelona waxaana ay haatan diirada saarayaan ciyaarta UEFA Champions League ee ay booqanayaan Borussia Monchengladbach.Real ayaa goolasha ay guusha dahabiga ah kusoo gaadhay shalay ka kala heshay xiddigaha kooxdeeda ee Federico Valverde, Sergio Ramos iyo Luka Modric halka uu goolka Barcelona qalinka ku duugay 17 sano jirka Ansu Fati.Si kastaba, warka wanaagsan ee ay Los Blancos heshay kahor ciyaarteeda…

Kooxdii Hogaamineysa Horyaalka Premier League Oo Dhulka Lala

Southampton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed dhameystiran iyagoo soo gabagabeeyya rikoodhkii guuldarro la’aanta Premier League ee Everton iyagoo ku garaacay 2-0 kulankii ka dhacay maanta garoonka St Mary’s.Goolal ka kala yimid James Ward-Prowse iyo Che Adams ayaa ka caawiyay kooxda Southampton inay dhulka la jarto kooxda hogaamineysa horyaalka, iyadoo tababare Ralph Hassenhuttl uu ku qancay qaabka ciyaareedka dhameystiran ee ay soo bandhigtay kooxdiisa.Kooxda Everton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed laga niyadjabo iyagoo…

Waxa Uu Camp Nou Meel Ku Saaray Messi, Xavi Iyo Iniesta

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa xog cajiib ah kasoo diiwaan gashaday kulankii ay kooxdiisu shalay guusha muhiimka ah kasoo gaadhay dhigeeda Barcelona ciyaar ka tirsanayd horyaalka La Liga.Xogta layaabka leh ee uu Benzema soo sameeyay ayaa ah mid uu kaga gacan sarreeyo halyeeyada waaweyn ee Barcelona ee Lionel Messi oo kabtanka hadda ah iyo Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez oo aan sharaxaad badan u baahnayn si fiicana loo garanayo.Xogtaas ayaa ah inuu Benzema haatan yahay ciyaaryahanka kulan El-Clasico…

Ma Doonayo!! Xiddig Man City Ah oo Diidaya Dhammaan

Da’yarka daafaca kooxda Manchester City ee Eric Garcia ayaa la xusayaa inuu aad u doonayo inuu ka baxo kooxdaas kuna biiro dhinaca Barcelona isaga oo samayn doona waxkasta oo macquul ah si uu suurogal uga dhigo midaas.Sida ay sheegayaan warbixino cusubi, Garcia ayaa diidi doona dhammaan qorshayaasha ay kooxdiisu ku doonayso inay ugusii hayso Etihad Stadium si uu dhinaca Camp Nou ugu koox bedesho.Horraantii sanadkan ayay ahayd markii tababaraha Sky Blues ee Pep Guardiola uu si cadaan ah u sheegay in Eric Garcia uusan doonayn…

Kaddib Guul-darradii Clasico, Barcelona Oo Lagu Wargeliyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war kale oo aanay ku farxin uu soo gaadhay saacado kaddib markii ay guul-darrada 1-3 ah ee ay Real Madrid ugu xambaarisay garoonka Camp Nou.Lionel Messi iyo Philippe Coutinho ayaa Barcelona hoggaamiyeyaasheeda ahaa kulankii Real Madrid waxayse labadooduba ku guul-darraysteen inay shabaqa soo taabtaan iyadoo goolka madiga ah ee ay kooxdoodu dhalisayna uu taariikhda ku galay da’yarka Ansu Fati.Laacibka reer Brazil ee Coutinho ayaa dhaawac kasoo gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartaasi,…

Lacagta Arsenal Kaga Baxday Mesut Ozil TODDOBADII Sannadood

Maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga 2013kii ayay Arsenal lasoo saxeexatay Mesut Ozil oo waqtigaas noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa kaddib markii ay Real Madrid u shubtay lacag dhan £42.4 milyan oo Gini.Kubbad-sameeyahan ayaa qayb ka noqday jiilkii uu gacanta ku dhigay Arsene Wenger, waxaana dhamaadka shantiisii sannadood ee hore loo kordhiyey qandaraaska iyadoo mushaharkana sare loogu qaaday.Markii ay Arsenal lasoo saxeexanaysay, Ozil waxa Real Madrid uga diiwaangashanayd in labadii ciyaarood ee kasta uu ugu yaraan hal…

Lionel Messi Oo Inkaari Kaga Ku Habsatey Kulamada El Clasico Tan

Lionel Messi ayay inkaari kaga dhacday kulamada Clasico ee kooxdiisa Barcelona iyo Real Madrid, tan iyo intii uu horyaalka Spain ka tegay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo. Messi oo ah dhaliyaha ugu weyn ee ay Barcelona haysato, iyo xiddiga ay guulaha ka sugaan ayaan wax gool ah ka dhalinin Real Madrid tan iyo intii uu Ronaldo ka tegay kooxda ka dhisan caasimadda Spain. Toddoba jeer oo ay iska hor yimaaddeen Real Madrid iyo Barcelona ayuu Messi garoonka ka baxay isaga oo aan shabaqa soo taabanin, waxaana ugu…