Muddo 15 sannadood ah waxa kubadda cagta hor-fadhiyey labada ciyaartoy ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo intii ka dambaysay 2007 oo uu Ricardo Kaka ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or iyaga uun iska beddelayay marka laga reebo 2018 oo uu Luka Modric soo dhex-galay.Sannad kasta, waxay ahaayeen tartameyaasha saddexda ah ee fagaaraha yimaadda, mana jirto mar ay ka maqnaayeen tan iyo 2008, waxaanay qaybsadeen 11 abaal-marinood oo Ballon d’Or ah.Messi ayaa lix haysta, Ronaldo na shan, balse mar kale ayuu haddana ugu…