YAAB: Wixii Uu Mourinho Mudo AFAR Saacadood Ah Kala Sheekaysanayay

Ka tagistii Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ahayd mid aan aad loogu lafo gurin boggaga hore ee saxaafada Isniintii iyo wixii ka dambeeyay, sababo la xidhiidha tartanka la baajiyay ee European Super League, caydhinta tababaraha ree Portugal ayaa ahayd mid aan muhiimad badan la siin.

Haddiiba Jose Mourinho laga caydhin lahaa shaqada Tottenham iyadoo aysan jirin xaalad kale oo ka weyni, dabcan waxa ay noqon lahayd caydhintiisu sumada Premier League ee 2020-21 ilaa haatan.

Ninka isku magacaabay “Special One” ayaa intii lagu gudo jiray lixdii sano ee ugu dambeeyay laga caydhiyay saddex kamida lixda kooxood ee ugu waaweyn England waana rekoodh ceeb ku ah.

Wakhtigiisii Spurs ayaan ahayn mid ay taageerayaasha kooxdaasi si wanaagsan ku xasuusan doonaan, waxa ay ahaayeen 17 bilood oo caddeeyay markale sida ay falsafada Mourinho u tahay mid dhacday isla markaana awoodisii masraxyada sarre ee kubadda cagtu ay u dhammaatay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ee jagada tababarenimo ee Mourinho ee Tottenham, xiddigaha kooxdaas ayaa u muuqday kuwo joojiyay inay si wanaagsan ugu ciyaaraan macalinkooda.

Arrinta la xidhiidha qaab ciyaareedkoodii muddooyinkan dambe ayaa ahayd mid uu Mourinho qudhiisu doonayay inuu xasuusiyo xiddigaha Spurs Axadii kaddib markii la caydhiyay.

Sida uu sheegayo wargeyska Telegraph, Mourinho ayaa baaqi kusii ahaa xerada tababarka Spurs afar saacadood kaddib markii la eryay isaga oo wadahadalo xidhiidh ah gaar gaar ula yeelanayay qaar kamida xiddigaha kooxda.

Sida lagu sheegay xogo laga soo xiganayo xubno kooxda dhexdeeda ah, wadahadalaas ayaan ahayn kuwo farxadeed iyadoo laga wada hadlayay qaab ciyaareedkii ciyaaryahanada.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More