YAAB! Solskjaer Oo Ku Doodday In Kuraasta CASAANKA Ah Ee Old Trafford

Manchester United waxay xilli ciyaareedkan inta badan ku guuleysataa kulamada bannaanka ee ay martida tahay, marka loo eego kulamada ay ku ciyaarto garoonkeeda Old Trafford,.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo bandhigay dood layaable oo ah in rikoodhka liita ee kooxdiisa ay qayb ka yihiin midabka casaanka/guduudka ee kuraasta garoonka.

Solskjaer waxa uu sheegay in ay suurtogal tahay in ciyaartoydu ay mararka qaarkood is heli waayaan oo ay is-arki waayaan maadaama ay iyaguna xidhan yihiin funaanado midabkoodu u eg yahay kuraasta garoonka.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan waxay garoonka Old Trafford ka heshay 27 dhibcood oo horyaalka Premier League ah, waxaana lagaga badiyey afar ciyaarood iyo saddex ay barbarro ku gashay. Laakiin ciyaaraha ay bannaanka kusoo dheeshay ayay kasoo heshay 36 dhibcood, iyadoo aan hal marna laga badinin dhamaan 23kii kulan ee horyaalka Premier League ee ugu dambeeyey ee ay martida noqotay.

Red Devils oo Khamiista garoonkeeda ku qaabilaysa kooxda reer Spain ee Granada lugta labaad ee wareegga siddeedda Europa League, ayaa waxay rajaynaysaa in aanay qabsanin inkaarta hoygoodu.

Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlayay sababta kooxdiisu ugu dhibaatoonayso garoonka, ayaa yidhi: “Hadda waxa aanu arki doonaa isbeddel, haddii aad aragto qoraallada garoonka ee yaalla ee kooxda, midabkoodu masii ahaan doono casaan.”

Tababaraha ayaa waxa uu sheegay in kulamadii Real Sociedad iyo AC Milan ay natiijo fiican heleen, cudur-daarna aanu noqon karin midabka casaanka ah ee kuraastu, laakiin haddana ay suurtogal tahay in uu saamayn ku yeesho ciyaartoyda kooxda oo mararka qaarkood is-arki waaya.

Maxaa laga beddelay Old Trafford

Markii ay ciyaaruhu dib u bilowdeen xilli ciyaareedkii hore, taageereyaasha ayaa arkay kuraasta Old Trafford oo dhamaantood midabkooda laga dhigay casaan, waxaanay isku ekaadeen qoraallada hoosta ee garoonka. Laakiin toddobaadyo ka hor ayay kooxdu beddeshay midabka casaanka ahaa ee qoraallada hoosta, gaar ahaan inta ay ugu ololayso in takoorka iyo cunsuriyaddu aanay meel ku lahayn ciyaaraha.

Kuraasta ayaa sidoo kale laga beddelay midabkii casaanka ahaa, waxaana lagu dahaadhay madow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More