Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka jirta magaalada Muqdisho waxaana socda shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor
Muqdisho (Axadle) – Kulan udhaxeeya kusimaha raiisul wasaaraha maxamed xuseen rooble iyo madaxweynaha galmudug axmed qoor qoor ayaa hada kasocda xarunta madaxtooyada soomaaliya.
Kulankan ayaa imanaya markii dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi dagaal laga dareemayo caawa magaalada Muqdisho, waana waxa uu ka hadlayo raiisul wasaare Rooble.
Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa fariisin ka sameystay qeybo ka mid ah degmada Shiikole ee degmada Dayniile, iyadoo ay la socdeen ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal.
Qeybo ka mid ah Waddada 30, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax, oo aad ugu dhow isgoyska Shirkole, ayaa sidoo kale caawa waxaa bililiqeystay ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad.
Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.
Haddii dowladdu ku dhiirrato inay weerarto Sadiiq Joon, dad badan ayaa rumeysan inay billow u noqon karto dhibaato aan la sii wadi karin oo ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Farmaajo ayaa xalay Jeneraal Sadiiq John ka xayuubiyey darajadiisii sarkaal iyo dhammaan xuquuqdii ciidan.
S / Guud Saadaq Joon oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay saraakiisha ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor ka sheegay magaalada Muqdisho inuu hor istaagay kulan ay la lahaayeen mudanayaasha waqtigoodu dhamaaday ee loogu kordhin lahaa dowladda federaalka
Hase yeeshe daqiiqado yar gudahood ayaa xilka looga qaaday waxaana la qabtay kulan ay isugu yimaadeen aqalka hoose ee baarlamaanka iyadoo loo kordhiyay waqtigiisa.