Yaa Gaaray Go’aanka Inuu Lionel Messi U Dheelin Barcelona

Tababare Ronald Koeman ayaa caado ka dhigtay inuusan si weyn oo xad ka bax ah u isticmaalin Lionel Messi iyadoo tababaraha reer Holland uu xiddiga reer Argentina ka reebay kulanka ay u safrayaan kooxda Ferencvaros todobaadkan.

Isagoo seegay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Dynamo Kyiv isbuucii la soo dhaafay, Messi ayaa mar kale ka maqan Barcelona iyagoo la ciyaaraya kooxda Ferencvaros xilli ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League.

Iyadoo ay ku soo socoto kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan Juventus ee ugu danbeeya wareega group-yada, Barcelona iyada gacmaheeda ayuu ku jiraa inay ku dhameystaan kaalinta koowaad ee group-kooda taasoo saacidi karta isku aadka wareega 16ka.

Tababare Koeman ayaa sheegay in inkastoo uu isagu gaaray go’aanka ah inuusan Messi labo kulan oo isku xiga oo Champions League ah ciyaarin hadana inuu kala tashaday xiddiga reer Argentina

“Ma ahan wax caadi ah in Messi uu nasto, waan ogahay taas, laakiin waan kala hadlay isaga xitaa haddii uu go’aanku yahay midkeyga” ayuu Koeman sharaxaad ku bixiyay shirkiisa jaraa’id ee maanta.

“Marka la eego sida jadwalka uu yahay xilli ciyaareedkan, waxaa jiray labo waqti oo aan nasasiin karo waa kulankii Kiev iyo kan berri.

“Durbaba waan soo baxnay, sidaasi darteed waxaan awoodaa inaan fursad siiyo ciyaartoyda kale. Waxaan u baahanahay inaan badino kulanka Sabtida ee La Liga, sidaasi darteed waa waqtigii ku haboonaa in la nasasiiyo. Ka dib ciyaarta berri ma jiri doonto fursad kale oo aan ku nasasiin karo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More