Xulka England Oo Ka Badiyay Markii Ugu Horeysay Xul Aysan 35
Harry Maguire ayaa ka soo kabsaday waqti adag uu ku jiray isagoo gool madax ah u dhaliyay xulka England oo 3-0 ku garaacday xulka Republic of Ireland kulan ahaa mid saaxiibtinimo.
Isagoo casaan qaatay kulankiisii ugu danbeysay ee Wembley, Maguire ayaa iska dhaqay ceebtaas isagoo kubad madax aheyd hogaanka ugu dhiibay xulka England.
Xiddiga ku dhibtoonaya Borussia Dortmund xilli ciyaareedkan ee Jadon Sancho ayaa qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay England isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee England ee muddo ka badan sannad isagoo shabaqa meel hoose ka toogtay islamarkaana ciyaarta ka dhigay 2-0 iyadoo 31 daqiiqo ay ciyaarta socoto.
England ayaa sii maamuleysay ciyaarta qeybteedii labaad iyadoo Dominic Calvert-Lewin uu rigoore ugu dhaliyay England goolkoodii seddexaad ciyaarta oo mareysa 56 daqiiqo taasoo u ogolaatay tababare Southgate inuu bedel ku soo geliyo 17 jirka Jude Bellingham.
England ayaa garaacday markii ugu horeysay tan iyo 1985kii xulka Republic of Ireland.
Xiddiga Borussia Dortmund Jude Bellingham ayaa noqday xiddigii seddexaad ugu da’da yaraa ee safta xulka England ka dib Theo Walcott iyo Wayne Rooney kuwaasoo maalmo ka yaraa Bellingham markii ay u safanayeen xulka Ingariiskaa.
Harry Maguire ayaa isna noqday xiddigii 33aad ee Manchester United ee gool u dhaliya xulka England, United iyo Tottenham ayaa ah kooxaha ugu badan ee gooldhaliyayaal badan ku leh xulka Ingariiska.