74 tahriibe ayaa ku qaraqmay Badda ka dib markii ay doon kula jabtay meel u dhow xeebta Libya

74 tahriibe ayaa ku qaraqmay Badda ka dib markii ay doon kula jabtay meel u dhow xeebta Libya
Ugu yaraan 74 muhaajiriin ah ayaa ku qaraqmay Badda ka dib markii markabkii ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Yurub uu ku qalibmay xeebta Libya maalintii Khamiista, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee Qaramada Midoobay, ugu yaraan sideed markab ayaa ku burburay bartamaha badda dhexe tan iyo bishii hore.

Doonta waxaa la socday in ka badan 120 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, markii ay ku degtay xeebta dekedda al-Khums ee dalka Libya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Kaliya 47 qof ayay badbaadiyeen ilaalada xeebaha Liibiya iyo kaluumeysato waxaana la keenay xeebta.

Illaa iyo hadda 31 meyd ayaa la soo saaray iyadoo raadinta dhibbanayaasha hadhay ay sii socoto, ayay ku dartay IOM.

Dhimashada sii kordheysa ee nolosha badda Mediterranean-ka ayaa muujineysa awood la’aanta dowladaha inay qaadaan tallaabo adag oo loga hortago dhibaatoyinkan oo kale in ay dhicin, raadinta iyo u gurmashada dhibanayaasha ee marinka ugu dhimashada badan adduunka, ”ayuu yiri Federico Soda, Madaxa IOM Libya ka Howlgala.

Talaadadii, 13 muhaajiriin Afrikaan ah oo ay ku jiraan saddex haween ah iyo hal canug ayey la qaraqmatey doon la mid ah kuwa ku degtay xeebaha Liibiya hadda.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay in markabka Open Arms – oo ah markabka kaliya ee ay leedahay hay’ad aan dowli ahayn (NGO) oo hadda ku shaqeeya xeebaha – uu badbaadiyay in ka badan 200 oo qof saddex hawlgal uu fuliyey.

“Waxaan muddo dheer ku baaqeynay in wax laga badalo habkii loo wajahayo dhibatadda soo noqnoqneysa ee xeebaha Libya iyo Mediterranean, oo ay ku jiraan joojinta soo noqoshada muhajiriinta iyo sameynta qaab cad oo looga baxo oo ay ku xigto midnimo ka timaada dowladaha kale,” ayuu yiri Mudane Soda.

IOM ayaa sheegtay inay ogaatay dhawaanahan inay kordhayaan tirada dadka ka baxaya xeebaha Liibiya, iyadoo in ka badan 780 ay gaareen dalka Talyaaniga tan iyo bilowgii bishii Oktoobar. In ka badan 11,000 oo muhaajiriin ah ayaa la qabtay oo dib loogu celiyey Liibiya, halkaas oo ay ku wajahayaan halista xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xarig, sida lagu bahiyey qoraalka IOM ka xoo baxaay.

“IOM waxay cadeyneysaa in Liibiya aysan aheyn deked amaan ah oo lagu laabto waxayna ku celineysaa baaqii ay u jeedineysay bulshada caalamka iyo Midowga Yurub si ay u qaadaan talaabooyin deg deg ah oo la taaban karo oo lagu joojinayo meertada dhiig miirashada bili’aadanka ee soo noqnoqoneysa,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kumanaan qof oo nugul ay sii wadaan inay bixiyaan qiimaha wax qabad la’aanta badda iyo berriga labadaba.

Sannadkan, ugu yaraan 900 oo qof ayaa ku qaraqmay badda Mediterranean-ka iyagoo isku dayaya inay gaaraan xeebaha Yurub, qaarkoodna waxaa ugu wacan dib-u-dhaca ku yimid badbaadinta.

IOM waxay sheegtay in xaaladaha bani’aadanimo ee sii xumaanaya ee muhaajiriinta lagu xiray xabsiyadda ciriiriga ah, qabqabashada baahsan ee sabab la’aanta ah, xariga, jirdilka iyo xadgudubyada ay yihiin wax laga naxo.

Iyadoo aysan jirin wax ilaalin ah oo loogu talagalay muhaajiriinta dib loogu soo celiyay dalka, aagga Raadinta iyo Samatabbixinta Liibiya waa in dib loo qeexaa si loogu oggolaado beesha caalamka ah inay qabtaan howlo naf-badbaadin ah, ayay tiri IOM.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More