Xiddig Weyn Oo Ay Arsenal Ka Qoomameysay Inay Iska

Liverpool ayaa isku diyaarineysa nolol ka danbeysa Gini Wijnaldum iyadoo xiddiga reer Holland la filayo inuu si xor ah ku baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

- Advertisement -

Reds ayaa la sheegay inay dooneyso xiddiga khadka dhexe ee Juventus Aaron Ramsey iyo xiddiga kooxda Sheffield United Sander Berge taasoo dhibaato u noqon karta Thiago haddii ay labadooda yimaadaan.

Qandaraaska Wijnaldum ee Anfield ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaddoo muddo dheer lala xiriirinayay Barcelona islamarkaana heshiis hordhac ah la sii gaaray.

Waxaa hakad galay wadahadaladii qandaraas kordhinta ee u dhaxeeyay Liverpool iyo xiddigii hore ee Newcastle iyadoo calaamadaha oo dhan ay muujinayaan inuu ka tagayo Anfield.

Waxay taasi sababtay in Jurgen Klopp uu suuqa kala iibsiga ka raadiyo bedelka 30 jirkaan ka dib xilli ciyaareed liita oo kooxda soo maray.

Xiddigii hore ee Arsenal Aaron Ramsey ayaa la sheegayaa inay Liverpool xiiseyneyso inay ku soo celiso Premier League.

Laakiin Reds ayaa dooneysa in Ramsey uu hoos u dhigo mushaharka 400 kun ginni isbuucii ee uu ka qaato Juventus haddii uu doonayo inuu ku soo noqdo Premier League.

Arsenal ayaa ka qoomameysay go’aankii ay ku fasaxeen Ramsey isagoo qaab ciyaareed fiican ku jira.

Tan iyo markii uu ka tagay Arsenal oo uu si xor ah ugu wareegay Juventus sannadkii 2019, xiddiga khadka dhexe ayaa ku guuldareystay inuu si joogta ah uga soo muuqdo shaxda Bianconeri.

61 kulan uu saftay wuxuu dhaliyay kaliya lix gool isagoo dhaawac ku seegay kulankii todobaadkan ay Juventus guuldarada ka soo gaartay Benevento.

Haddii Ramsey uu yimaado Liverpool, boos miyuu ka helayaa?

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More