RASMI: Mustaqbalka Cristiano Ronaldo Oo Dhinac Lavatory
Gudoomiye ku xigeenka kooxda Juventus Pavel Nedved ayaa carabka ku adkeeyay in Cristiano Ronaldo uu sii ahaan doono ciyaaryahan Juventus ah xilli ciyaareedka danbe inkastoo ay soo baxeen warar soo jeedinaya inuu kooxda ka tagi karo xagaagan.
- Advertisement -
Nedved ayaa aaminsan in xiddiga reer Portugal uu weli yahay mid ka mid ah laacibiinta ugu fiican dunida inkastoo eedeymo loo soo jeediyay todobaadyadii ugu danbeysay.
Dad badan ayaa Ronaldo ku eedeeyay inuu sabab u ahaa inay Juventus ku harto wareegii 16ka Champions League ee ay la ciyaarayeen FC Porto ka dib markii uu dusha xijiyay laad xor ah oo lagu reebay kooxda Talyaaniga.
Waxaa sidoo kale jirtay warar la isla dhexmarayay oo ahaa in 36 jirkaan uu ka tagi karo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Real Madrid.
Laakiin Nedved oo haatan ah gudoomiye ku xigeenka Juventus ayaa ku qoslay wararkaas isagoo sheegay inay hubaal tahay in Ronaldo uu hal sanno kale sii joogayo Juventus markaasoo uu qandaraaskiisa dhacayo.
“Anig ahaan, Ronaldo ma ahan mid la taaban karo” ayuu Nedved u sheegay DAZN. “Wuxuu qandaraas ku jiraa ilaa iyo 30ka Juun 2022, wuuna sii joogayaa. Waxa dhici doona markaas ka dib waan arki doonaa.
“Cristiano marka laga hadlayo farsamada kubadeeda iyo sumcadeena kubadeed sarre ayuu u qaaday. Dhanka farsamada ma eedi kartid isaga. Wuxuu dhaliyay in ka badan 100 gool 120 kulan uu ciyaaray. Wuxuu ina geeyay Champions League.
“Ma eedeyn karno isaga – dhamaanteen waan u furanahay inaan aqbalo eedaha marka aan qalad sameyno, laakiin inaad su’aal ka keento tirooyinkiisa iyo waxa uu inoo qabto kulan walba ma ahan cadaalad.”