Turkey oo ka walaacsan khilaafka doorashada
Dowladda Turkey ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha Soomaaliya ay ku guuldaraysteen in ay lumiyaan “rajadii dadka Soomaaliyeed ka qabeen horumarka dalkooda iyo helida nabad iyo barwaaqo”
- Advertisement -
“Mar labaad, waxaan ka dalbanaynaa Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka in ay isu yimaadaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka wada hadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah salkana ku haya is afgaradkii la gaaray Sebtember 17, 2020” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha Turkiga oo intaas ku dartay “Waxaana xoojineynaa muhiimadda ay leedahay in la qabto doorashooyinka dib u dhac la’aan”.
Xukumadda Ankara oo la rumaysanyahay in ay si wayn ugu ololaynayso soo laabashadda madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadalkeeda raaciyay “waxaan mar kale ku celineynaa in aan siiwadayno taageerada aan siineyno saaxiibadeena, walaalaha Soomaaliyeed iyo Dowlada si looga gudbo ismari waaga sida ugu dhaqsiyaha badan”.
Hadalka Wasaaradda arimaha dibadaTurkey ayaa imaanaya iyada oo Mehmet Yilmaaz safiirka Ankara ee Muqdisho uu arimaha doorashooyinka dalka kala madaxweyne-yaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan kulan muuquul ah la qaato Siciid Cabdullaahi Deni, Hogaamiyaha Maamulka Puntland. Waxaan isdhaafsanay aragtiyo la xiriira isbeddelada siyaasadeed ee ugu dambeeyay iyo doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri Mehmet Yilmaaz oo qoraal ku daabacay barta Twetter-ka.
Siciid Deni oo ka falceliyay kulankaas ayaa yiri ” Waxaan caawa kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada”.
Mehmet Yilmaaz, Safiirka Dowladda Turkey u jooga Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe hoggaamiyaha Jubbaland kala hadlay arrimaha siyaasadeed ee hadda jira iyo doorashooyinka dalka.