Xiddig Lala Xidhiidhinayo Kooxaha Premier League Oo La Sheegay Halka Uu U Wareegi Doono.

Madaxa suuqa kala iibsiga ee Bologna Giovanni Sartori ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga Euro 2024 Riccardo Calafiori ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo Premier League xagaagan halkii uu ku biiri lahaa Juventus.

Calafiori waa mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartanka Euro 2024.

Daafaca dhexe ee Bologna ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan kooxo badan oo Premier League ah – oo ay ugu horreeyaan Arsenal – iyo sidoo kale Real Madrid iyo Juventus.

Juventus ayaa ugu cadcad saxiixa Calafiori laakiin Sartori ayaa sheegay in hadii Bologna ay iibiso xiddiga in ay u badantahay in uu u wareego Premier League.

“Waxaan kaliya la saxiixanay Calafiori 12 bilood ka hor, marka waan arki doonaa waxa dhaca, laakiin maskaxdeena waxaan dooneynaa inaan sii haysano isaga,” Sartori ayaa yiri.

“Waxaa laga hadlay Juventus, laakiin sidoo kale kooxo kale oo badan. Haddii aan helno dalabyo waaweyn waan ka fikiri doonaa”.

“Uma maleynayo inuu aadi doono Juventus, malaha waxay noqon doontaa dibadda, laakiin waxaan ku celinayaa waxaan isku dayi doonaa inaan sii haysano.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More