Xaqiiqooyin Muhiim Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Adag Euro Ee France vs

Kulanka ugu adag tartanka qaramada Yurub ee illaa hadda ayaa waxa uu caawa dhex-marayaa labada waddan ee Faransiiska iyo Jarmalka, waana ciyaar aad loo sugayo oo la qiimaynayo awoodaha labada waddan.

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ayaa xaqiijiyey, in labada weeraryahan ee Kairm Benzema iyo Antoine Giezmann oo dhaawacyo qabay, shakina la gelinayay kulankna ay taam u noqdeen in ay ciyaaraan caawa.

Benzema iyo Greizmann ayay dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaartii saaxiibtinimo ee Salaasadii ee Bulgaria, waxaana midka laga dayrinayay uu ahaa Benzema oo kusoo laabtay tababarka.

Germany ayaa  waxa  iyagana ka maqan xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka oo dhaawac ah, laakiin waxa taam ah Ilkay Gundogan iyo Toni Kroos oo qayb ka ahaa safkii xasuuqa 7-1 u geystay Latvia June 7.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulankan

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ayaa saadaaliyey kulankan, waxaana adkaatay inuu kala saaro. Faransiiska oo haysta ciyaartooyo badan oo waayo arag kusoo noqday guushii koobka adduunka iyo qaybtii ay kasoo qaateen tartanka qaramada Yurub ee 2016, ayaa waxay waajahayaan Germany oo ay qayb ka yihiin xiddigo soo ciyaaray Koobkii Adduunka 2014 kuna soo guuleystay.

Saadaasha Lawro: France 1-1 Germany 

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Kulamadii ay iska hor yimaaddeen

Kulankan ayaa noqonaya markii lixaad ee ay France iyo Germany ku kulmaan tartatan weyn, laakiin waxa uu dhinaca kalena noqonayaa ciyaartii ugu horreysay ee marxaladda koowaad ee Groups-ka ah. Illaa hadda, labada kooxood ayaa ka siman guulaha, waxaanu mid walba haystaa laba guulood iyo hal mar oo ay barbarro galeen.France iyo Germany mar kaliya ayay ku kulmeen tartanka qaramada Yurub, waxaanay ahayd semi-finalkii 2018 oo Faransiisku ku badiyey 2-0, waxaana labadaas gool dhaliyey Antoine Griezmann.

France

France lagama badinin dhamaan shantii kulan ee ugu dambeeyey ee Faransiiska ay iska hor yimaaddeen ee ay waddankooda ku ciyaareen, iyagoo saddex badiyey labana barbarro galay. Faransiisku markii tobnaad ayay ka qayb-gelayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro iyo markii siddeedaad oo x idhiidh ah, laakiin sannadkii 1988 ayay ku guul-darraysteen inay usoo baxaan. Kaliya Germany iyo Spain oo min saddex jeer ku guuleystay koobka qaramada Yurub ayaa ka guulo badan Faransiiska oo isaguna ku guuleystay labadii sannadood ee 1984 iyo 2000.Laga soo bilaabo Koobkii Adduunka 2014, Faransiisku waxay guuleysteen 14 mar 19kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartamada waaweyn ah.Guul-darradii kali ahayd ee kasoo gaadhay Faransiiska ciyaarta ugu horreysa ee furitaanka u ah ee qaramada Yurub, waxay ahayd 1960kii, waxaana 4-5 kaga  badiyey Yugoslavia. Siddeed jeer oo ka dambeeyey lagama badinin kulanka ugu horreeya tartankan. Shan ayay badiyeen saddexna way barbarreeyeen.Haddii tababaraha Faransiiska ee Didier Deschmps uu ku guuleysto koobkan qaramada Yurub, waxa uu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey ee abid ku wada guuleysta Koob Adduun iyo Euro isagoo ciyaartoy iyo tababare ba ah.

Germany

Germany waxay tartankan ka qayb-gelayaan markii 13aad, waana waddanka ugu badan ee kasoo qayb-galay. Waxay tartankan ku guuleysteen saddex jeer, iyaga iyo Spain ayaana ah dalalka ugu badan ee hantay. Antoine Griezmann ayaa noqday ciyaartoyga ugu badan ee Faransiis ah ee goolasha ugu badan ka dhaliyey Germany, waxaanu shabaqooda  taabsiiyey afar gool. Waxa kale oo uu laacibkani ku lug yeeshay 14 gool oo tartamada waaweyn ah (Euro iyo Koob Adduun), waana ciyaartoygii ugu badnaa ee goolal intaas le’eg qayb ka noqda, isagoo dhaliyey 10 gool, afar kalena caawiye ka noqday labadii tartan ee u dambeeyey ee Euro 2016 iyo Koobkii Adduunka 2014.Kaliya laba goolhaye oo reer Yurub ah ayaa ka safasho badan goolhayaha Germany ee Manuel Neuer oo 27 ciyaarood saftay. Waxa uu ku xigaa Iker Casillas iyo Gianluigi Buffon oo min 31 ciyaarood oo Euro ah ciyaaray.Tartankan ayaa noqonayaa midkii ugu dambeeyey ee tababare Joachim Low uu layliyo Germany, iyadoo uu hore usoo hoggaamiyey 18 ciyaarood oo Euro ah oo dalkani dheelay. 

Kulankii ugu dambeeyey ee labadan waddan: France 2-1 Germany (16 October 2018)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More