DAAWO: Goolkii Cajiibka Ahaa Ee Lionel Messi Dhaliyey Xalay &

Lionel Messi ayaa gool cajiib ah ku bilaabay tartanka qaramada Latin America ee Copa America, waxaanu laad xor ah oo heersare ah ka dhaliyey kulankii dalkiisu barbarraha 1-1 ah la galay Chile.

Argentina ayaa barbarro ku aftaxday Copa America, waxaana gool uu qaybtii hore u dhaliyey Lionel Messi ka daba yimid Eduardo Vargas oo madax ku dhaliyey kubbad rikoodhe ahayd oo uu khasaariyey Arthuro Vidal.

Daqiiqaddii 33aad ee ciyaarta ayaa Argentina loo dhigay qalad, waxaana kubadda soo qaatay Lionel Messi oo kubadda ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Claudio Bravo, waxaanay kubadda oo uu ka dul-qaaday ciyaartoyda isku dhigayay ay shabaqa ku ruxantay iyadoo aanu Bravo wax fursad ah helin.

Laadkan xorta ah ayaa ahaa markii 57aad ee Messi uu dhaliyo gool noocan oo kale ah, waana tiro aanu xataa gaadhin Cristiano Ronaldo.

Messi iyo Ronaldo ayaa waxay hore u lahaayeen min 56 gool oo laad xor ah, laakiin goolka uu xiddiga reer Argentina dhaliyey xalay ayaa noqday mid uu ku dhaafay CR7.

50 ka mid ah goolasha laadka xorta ah waxa uu Messi u dhaliyey Barcelona, halka uu toddobana xulka qarankiisa u dhaliyey. Cristiano Ronaldo ayaa isaguna 13 gool oo laad xor ah usoo dhaliyey Manchester United, 32 waxa uu u dhaliyey Real Madrid iyo 10 xulka qaranka Portugal uu u saxeexay.

Halkan ka daawo goolka cajiibka ah ee Lionel Messi:

#CopaAmérica ?

⚽️ ¡Tremendo Messi! El capitán de @Argentina metió un golazo ante Chile ????

?? Argentina ? Chile ??#VibraElContinente #VibraOContinente pic.twitter.com/kvViiLcoam

— Copa América (@CopaAmerica) June 14, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More