“Wuxuu Wakhti Weyn Ku Qaadan Karayay Real Madrid Ama

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa ka hadlay hibadii ku jirtay xiddiga wakhtigan koox la’aantu hayso ee Jack Wilshere oo ay Arsenal kasoo wada tirsanaayeen iyo heerka uu kubadda cagta ka gaadhi karayay.

Wilshere ayay mudo kooban kahor kooxdeeda ka dirtay West Ham United oo ahayd kooxdii ugu dambaysay ee uu ka tirsanaa mana uusan ilaa hadda helin wax koox ah oo cusub.

Mid kamida bandhigyadii ugu waaweynaa ee uu Jack Wilshere soo sameeyo ayaa ahaa kulamadii Champions League ee uu kahor tagay kooxdii Pep Guardiola ee Barcelona.

Fabregas oo hadda ka hadlaya Jack ayaa sheegay inuu la dhacay markii uu Wilshere oo 16 sano jir ahi tababar kula qaatay Arsenal isaga oo dhinaca kale xusay inuu kooxaha ugu waaweyn dunida ee Barcelona iyo Real Madrid wakhti fiican ku qaadan karayay.

“Jack waxa uu ahaa hibo sidaas u wanaagsan, mid kamida xiddigaha ugu hibada badan ee aan abid lasoo ciyaaray” ayuu ugu horreynba xiddiga haatan ee AS Monaco yidhi.

“Waxa uu ahaa kaliya 16 sano jir markii ugu horreysay ee uu u yimid si uu tababar noola sameeyo, waxaanan ahaa sida mid leh “Wow, wuu fiican yahay, waa mid xoogan oo diyaarsan”

“Waa wax laga xishoodo waxa isaga ku dhacay, waan ka xumahay sababtoo ah waxa uu isagu noqon karayay halyeey kubadda cagta ah oo English ah”

“Waxaynu inta badan ka hadalnaa sida ay ciyaartoyda English-ka ahi ula qabsan doonaan kooxaha waaweyn ee Yurub, waxaan markasta aaminsanaa in Jack uu ahaa mid kamida British-ka wakhtiga weyn ku qaadan karayay Real Madrid ama Barcelona”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More