Waxaa la weydiiyay Cristiano Ronaldo
Cristiano Ronaldo ayaa laga codsaday inuu raali galiyo jamaahiirta Juventus kadib bixitaankii kooxda ee kulankii 16-ka Champions League.
Labadii lugood ee uu Ronaldo ka horyimid FC Porto isaga oo aan wax dhibic ah haysan, iyo saddex xilli ciyaareed oo uu ku qaatay Old Lady ayaa kaliya saxiixay 14 gool oo Champions League ah.
Halyeeyga kooxda Juventus Alessio Tacchinardi ayaa ku dhaleeceeyay xiddiga reer Portugal Ronaldo inuu raaligelin ka bixiyay saxiixiisa si uu uga caawiyo inay ku guuleystaan Champions League. Wax gool ah ma aysan dhalin labadii kulan ee ugu dambeysay.
Alessio Tacchinardi oo wareysi siiyay idaacada TMW Radio ayaa yiri: “Cristiano Ronaldo waxaa la nasasiiyay usbuucan kulankii La Liga, marka miyayna aheyn inuu sifiican u sameeyo kulankii Porto?
“Federico CHiesa wuxuu ka hadlay TV-ga laakiin waxaan filayay in Ronaldo uu hadlo, sidoo kale waa inuu raali galiyaa taageerayaasha”.
Tacchinardi ayaa sidoo kale dhaleeceeyay ciyaartoyda Juventus qaab ciyaareedkoodii kulankii Porto, isagoo yiri: “Marnaba ma fileynin inay Juventus u ciyaari doonto sidaas, gaar ahaan qeybtii hore.
Ciyaarta noocan oo kale ah ee muhiimka ahayd waxay ahayd in si ka duwan sidii hore loo diyaariyo. Waxaan la yaabay sida ay u ciyaareen markii laga badiyay wareega koowaad. Waxay heleen fursad ay ku garaacaan, hadana waxay u ciyaareen sidaas intii lagu jiray qeybtii hore. Ma seegi kartid fursadda noocaas ah.