Steven Gerrard waa saxiixii ugu dambeeyay ee xagaagan
Steven Gerrard ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inuu u dhaqaaqi doono Liverpool mustaqbalka dhow isla markaana uu bedeli doono Jurgen Klopp, laakiin taasi kama hor istaagin inuu la xiriiro u dhaqaaqista kooxdiisii hore, taasoo la rumeysan yahay inay khibrad ka helayso.
Halyeeygii hore ee Liverpool ayaa kula guuleystay Rangers Horyaalka Premier League Isbuucii lasoo dhaafay wuxuuna soo afjaray Horyaalka Celtics ee sagaalka sano ee Scotland.
Kadib Lixdii kulan ee Liverpool looga badiyay garoonka Anfield, mustaqbalka Jurgen Klopp ayaa su’aal laga keenay waxayna u dhaqaaqeen kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka, iyada oo warbaahintu shaacisay magacyada dhawr tababare, iyadoo Steven Gerrard uu yahay badalka Klopp.
Halyeeyga reer Brazil Rivaldo ayaa aaminsan in Steven Gerrard uu noqon karo tababaraha Liverpool hadii Jurgen Klopp uu baxo wuxuuna saadaaliyay inuu sameyn doono saxiixiisa ugu horeeya.
Rivaldo ayaa sheegay in Steven Gerrard uu Ianis Hagi ka qaadan doono kooxda Rangers isla markaana uu u kaxayn doono Liverpool, maadaama uu yahay ciyaartoy fiican oo uu soo arkay intii uu joogay Viitorul Constanta isaga iyo wiilka Rvaldinho.
Ians Hagi, oo ah wiilka xiddiga reer Romania Gheorghhe Hagi, ayaa si rasmi ah ugu biiray Rangers xagaagii ka dib sanad amaah ah oo uu ku qaatay Genk, isagoo dhaliyay lix gool 27 kulan oo uu saftay, waxaana uu kula guuleystay Horyaalka Scotland Isbuucii hore.
Markii Rivaldo wax laga weydiiyay Twitter-ka, wuxuu ku jawaabay: “Waan hubaa Gerrard inuu maalin uun aadi doono Liverpool. Malaha Ianis Hagi ayaa raaci doona Anfield