Isreal oo Suudaan u direysa Qamadi qiimo ahaan ku kacaya $5
Heshiiska Israaiil & Suudaan ee uu Garwadeynka ka ahaa Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa sahlay in Yuhuuddu ay Qamadi ugu deeqdo Xukuumadda Khartuum kadib markii ay aqbashay (Saaxiibtinimada cusub).
War kasoo baxay Israaiil ayaa lagu sheegay in Qamadigaan lagu qiimeeyay lacag dhan $5 Milyan, waxaana ay u gacangelineysaa Dalka Suudaan ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika oo dhibaato dhanka cunnada heysata.
Raysul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduuk uu u hibeynayo kaalmadaan Qamadiga ah ee lagu daah-furayo xiriirka Saaxiibtinimo ee dhawaan la beeray.
We are looking forward to a warm peace and are sending $5 million worth of wheat immediately to our new friends in Sudan.Israel will be working closely with the USA to assist Sudan’s transition.
— PM of Israel (@IsraeliPM) October 25, 2020
Suudaan waa dalkii saddexaad oo carbeed oo aqbalay xiriirka tooska ah ee lala sameynayo Israaiil, dalalka liiskaan uga horeeyay kaalmaha 1-aad & 2-aad kala galay waa Isu tagga Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn.
Hogaamiye Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in waddamo kale oo Carbeed ay qadka kusoo jiraan, kuwaas oo ku dhawaaqaya xiriirka uu garwadeynka ka yahay ee ay la wadaagayaan Israaiil.
Falastiin ayaa tallaabada Trump iyo qorshaha cusub ee waddamada carabta ku tilmaamtay mid lagu muusayo jiritaankooda & isla markaana Yuhuudda lagu garab-istaagayo falalka ka dhanka ah ay ka wadaan dhulka ay xoogga ku heysato.
Axadle.