Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay

Weeraryahanka Wales Gareth Bale qeyb kama ahan qorshaha Real Madrid ee xilli ciyaareedka danbe inkastoo uu 31 jirkaan sheegay inuu qorshenayo inuu ku laabto kooxda reer Spain xagaaga marka uu dhamaado heshiiskiisa amaahda ee Tottenham. (Marca)

- Advertisement -

Bale ayaa ka mid noqon kara lix ciyaaryahan oo ay Real Madrid iska iibineyso si ay lacag ugu hesho soo xerogelinta 22 jirka kooxda PSG Kylian Mbappe iyo 20 jirka kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland. (Sunday Mirror)

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa weydiistay milkiilaha Blues Roman Abramobich in weeraryahanka Jarmalka Timo Werner loo adeegsado heshiis isku bedelasho ah oo ay Chelsea kula soo wareegeyso xiddiga Dortmund Haaland. (Sunday Express)

Kabtanka England Harry Kane ayaa sheegay inuusan go;aan ka gaari doonin mustabqalkiisa Tottenham ilaa iyo ka dib Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan. 27 jirkaan ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Real Madrid, Man City iyo PSG. (Sky Sports)

Wadahadaladii qandaraas kordhinta ee u dhaxeeyay Manchester City iyo Raheem Sterling ayaa hakad la geliyay ilaa iyo xagaaga iyadoo ay sabab u tahay in 26 jirkaan uu iska bedelay wakiilkiisa. (Star on Sunday)

Manchester United ayaa u dhaqaaqi karta soo xerogelinta xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Watford iyo xulka Senegal Ismaila Sarr bedelkii ay u dhaqaaqi lahaayeen saxiixa xiddiga Dortmund Jadon Sancho. (Sunday Express)

Sarr ayaa qarka u saarnaa inuu u wareego Manchester United xagaagii la soo dhaafay sida uu sheegay agaasimihii hore ee kooxda Watford Filippo Giraldi. (Goal)

Inter Milan ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku oo 27 sanno jir ah haddii ay ku guuleystaan saxiixa weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero oo 32 sanno jir ah. (Star on Sunday)

Manchester United ayaa ku qasban inay bixiso 103 milyan ginni haddii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid iyo xulka Spain Marcos Llorente. (Marca)

Real Madrid ayaa iibin doonta ama amaah ku fasixi doona 22 jirka reer Norway Martin Odegaard oo haatan amaah ku joogo Arsenal haddii Zinedine Zidane uu sii ahaado tababaraha kooxda. (Football Insider)

Arsenal ayaa ka baqeysa in qiimaha Odegaard uu kor u dhaafo 50 milyan ginni xagaaga halka kooxaha Chelsea, Liverpool iyo PSG ay soo geli karaan tartanka saxiixa xiddiga Real Madrid. (Star on Sunday)

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More