Harry Kane Oo Waqti Rasmi Ah U Qabtay Kooxaha Real

Harry Kane ayaa u sheegay kooxaha xiiseynayaan xagaagan ee Real Madrid, Manchester City iyo Paris Saint-Germain inuu go’aan cad ka gaari doono mustaqbalkiisa ka dib marka uu soo dhamaado tartanka Qaramada Yurub oo lagu soo gabagabeynayo garoonka Wembley.

- Advertisement -

Weeraryahanka Ingariiska ayaa shaki weyn la gelinayaa mustaqbalkiisa kooxda Tottenham, laakiin ma doonayo in ka hadalka mustaqbalkiisa ay wax u dhinto hamigiisa hanashada Koobka Qaramada Yurub.

Kane oo aan weli ku guuleysanin wax koob ah laakiin ciyaaraya finalka Carabao Cup bisha danbe marka ay ka horyimaadaan Manchester City ayaa qandaraas kula jira Tottenham ilaa iyo xagaaga 2024.

Madaama Tottenham ay halis ugu jirto inaysan u soo bixin Champions League xilli ciyaareedka danbe islamarkaana aysan u dhaweyn inay u tartanto hanashada horyaalka, Kane ayaa go’aan ka gaaraya haddii uu sii joogayo kooxdii uu ku soo barbaaray ama haddii uu ka raadsanayo koox uu koobab la qaadi karo.

Xagaagan marka uu noqdo 28 jir ayaana ah waqtiga ugu fiican ee uu go’aan ka gaari karo mustaqbalkiisa.

“Waxaan qabaa inay tahay su’aal adag oo laga jawaabi karin waqti xaadirkaan” ayuu yiri Kane markii wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa.

‘”Waxaa muhiim ah in diiradeyda oo dhan ay saaran tahay labada kulan ee soo socda ee xulka England, ka dib kulamada ka haray xilli ciyaareedka ee Tottenham iyo Koobka Qaramada Yurub.

“Inaan ka fekero wararka suuqa waxay dhaawaci kartaa qaab ciyaareedkeyga. Waxaan isku dayaa inaan wararkaan banaanka ka joogo intii macquul ah. Waxaan diirada saarayaa inaan shaqadeyda qabsado ilaa iyo xagaaga, ka dib waan arki doonaa wixii ku xiga.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More