Erling Haaland Aabihiis Oo Ka Hadlay Wadahadalada

Dagaalka loogu yiri saxiixa Erling Haaland ayaa ah mid xiiso badan iyadoo Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ay intaba ku jiraan tartanka saxiixiisa.

- Advertisement -

Waxay tartan kala kulmayaan kooxaha Real Madrid, Bayern Munich iyo Barcelona oo iyaguna doonaya xiddiga Borussia Dortmund.

Dadka qaar ayaa aaminsanaa in madaama Haaland aabihiis Alf-Inge uu kula talin doono inuu ku biiro Man City madaama uu u soo ciyaaray islamarkaana dhaawicii jabka ahaa uu kala kulmay halyeeyga Man United Roy Keane.

Laakiin Alf-Inge oo sidoo kale u soo dheelay Leeds United ayaa u muuqda mid aan cuqdad u heynin United marka la eego hadalkiisii ugu danbeeyay.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa muhiimad siineysa saxiixa Haaland marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga, sida ay sheegtay Manchester Evening News.

Alf-Inge ayaa hoosta ka xariiqay ixtiraamka uu u hayo kooxda Manchester United markii la weydiiyay wadahadalada wiilkiisa iyo kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

“Manchester City waxay gaartay guulo waa weyn sannadihii ugu danbeeyay” ayuu u sheegay warbaahinta Jarmalka ee Sport1.

“Kooxda waxay sidoo kale isku dayaysaa inay dhisto wax cusub. Laakiin in la isbarbardhigo United iyo Dortmund ma ahan wax sahlan sababtoo ah Erling wuxuu durbaba u dheelayaa Dortmund.

“Waa labo kooxood oo dhaqan soo jireen ah leh iyo taageerayaal aad u baaxad weyn iyo taariikh weyn. Man United waa koox lagu faano sida ay Dortmund ka tahay Jarmalka.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More