Waa Maxay Sababta Alexandre Lacazette Iyo Aubameyang Ay Uga

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaan heli doonin xiddigaheeda afka hore ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette kulanka adagee  Jimcaha ay ku ballansan yihiin Everton.

- Advertisement -

Kabtanka Arsenal ee Aubameyang oo kasoo kabtay xanuunka Malariya/Duumada oo ku dhacay, kulamadii ugu dambeeyeyna uu ku maqnaa ayuu tababare Mikel Arteta hore u sheegay in uu diyaar u noqonayo kulankan maadaama caafimaadkiisu caadi kusoo noqday, hase yeeshee mar kale ayuu Aubameyang kooxdiisa cidlaynayaa iyagoo ciyaaraya kulan adag oo ay u baahan yihiin in ay ka keenaan natiijo fiican.

Alexandre Lacazette ayaa isagan uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Fulham ee Axaddii, waxaanu awoodi waayey in uu soo kabto ka hor kulanka Everton, taas hadda la xaqiijiyey in aanu qayb ka noqon doonin.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu Mikel Arteta yidhi: “Alex wuxuu qabaa dhaawac muruqa lugta bidix kasoo gaadhay, diyaarna uma aha kulanka Jimcaha ee Everton. Waxa uu sii wadi doonaa shaqada kooxda caafimaadka oo qiimayn doona xaaladdiisa  ka hor kulamada toddobaadka dambe.

“Auba isaguna ma joogo kulanka Jimcaha ee Everton, laakiin waxa aanu rajaynaynaa in uu bilaabo tababarka fudud toddobaadka dambe.”

Waxa kale oo uu Mikel Arteta niyad-samaan ka muujiyey Martin Odegaard oo uu tilmaamay in uu dib u bilaabay tababarka fudud isla markaana ay xaaladdiisa qiimayn doonaan, halka David Silva iyo Tierney ay iyaguna muujinayaan astaamo fiican.

Si kastaba, Arsenal oo saddex dhibcood ka dambaysa Everton ayaa u baahan in ay guuleysato si ay sare ugu soo dallacdo kaalinta saddeedaad.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More