Waa Kuma Xiddiga Uu Kai Havertz Qirtay Inuu Ka Cabsi Qabo Inuu Kahor

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Kai Havertz ayaa shaaca ka qaaday sida uu uga cabsi qabo saaxiibkiisa Ngolo Kante kahor kulanka tartanka EURO ee ay labadooda dal ee Germany iyo France isku furan doonaan.

Kante iyo Havertz ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa kusoo wada qaatay Stamford Bridge iyaga oo kaliya sagaal maalmood kahor kusoo wada guuleystay Champions League.

Havertz ayaa sheegay inuu ku farxo marka uu Kante ka garab ciyaaro maadaama oo kubadda isagu lumiyo uu Kante dib usoo celiyo balse markan labadooda ayaa qoorta iskula jira 15-ka bishan June.

Kai ayaa dhinaca kale xusay inaysan wanaagsanayn inay markan iska hor imanayaan Kante, da’yarka ayaa sidoo kale amaanay saaxiibkiisa kooxda iyo xulkaba ee Antonio Rudiger oo muhiim usoo ahaa wacdarihii Blues ee qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

“Isagu waa mid leh shaqsiyad wanaagsan ahna ciyaartoy wanaagsan” ayuu ugu horreynba hadalkiisa ku bilaabay Kai oo ka hadlayay Kante.

“Ka ciyaaryahan weerar ah ahaan anigu markasta waan ku faraxsanahay inuu isagu garoonka igula jiro, waxaad samayn kartaa qaladaad badan sababtoo ah isaga ayaa markasta kubadda dib ugu soo guuleysta”

“Isagu waa mid dheereeya, si fudud u dhaqaaqa markastana kubadda lugta ayuu geliyaa, taasi waa sababta aysan aad ugu fiicnayn in isaga laga hortago kulanka ugu horreeya ee Euro”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More