Waa Kuma Xiddiga Lama Filaanka Noqday Ee Ay Jamaahiirta Real Madrid

Jamaahiirta Real Madrid ayaa codkooda ku go’aamiyay aragtidooda mustaqbalka da’yarka Takefusa Kubo kaas oo xulkiisa Japan wacdarro uga dhigaya tartanka Olympics.

Mustaqbalka Kubo ayaa ah mid markale shaki ku jiro inta uu socdo suuqa xagaagan 2021 xilli uu labadii sano ee ugu dambeeyay heshiisyo amaah ah kusoo qaatay Real Mallorca, Villarreal iyo Getafe.

In markale Madrid amaah ku dirto ayaan ahayn waxa ay jamaahiirta kooxdaasi doonayaan kaddib cod ururin uu ay ka qaaday shabakadda Marca.

Su’aasha oo ahayd “Miyay tahay in Real Madrid ay safka 2021-22 kusii haysato Takefusa Kubo?” ayay 88% kamida 3,000 oo qof oo codeeyay doorteen jawaabta ah “HAA” halka 12% kale ay doorteen “MAYA”

Xataa haddiiba ay maamulka sarre ee Los Blancos go’aamiyaan inay Kubo kusii haystaan kooxda ayay u baahan doonaan inay dedaalo dheeri ah u sameeyaan sii hayntiisa.

Sababta ay u adkaan doonto in Kubo sii joogo ayaa ah in ugu badnaan kooxda ay joogi karaan saddex xiddig oo aan haysan dhalasho Yurub ah waxaana xilli ciyaareedkii hore saddexda boos buuxiyay saddexleyda ree Brazil ee Vinicius, Eder Militao iyo Rodrygo Goes.

Arrinta farxada ah ayaa ah in Vinicius uu ku dhaw yahay inuu helo dal-ku-galka dalka Spain taas oo wadada u xaadhi karta in Kubo uu baaqi kusii ahaado Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More