Waa Imisa Mushaharka Ciyaaryahanadda Weerarka Dhinacayada Ee
Warbaahinta Ingiriiska ayaa bilowday inay soo bandhigto mushaharka ay qaataan ciyaartoyda kooxuhu, iyadoo lagu sallaynayo boosaska ay ka ciyaaraan.
Horyaalka Premier League ayaa ah kan mushaharka ugu badan bixiya sannadkii marka la isku wada geeyo ciyaartoyda kooxaha, waxaanay ka sarreeyaan LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1, sababtuna waa in ciyaartoyda ka dheesha Premier League ay yihiin xiddigo waaweyn oo intooda badan lacago badan lagu soo iibsaday.
Waddanka Spain, labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona oo ay soo raacdo Atletico Madrid ayaa ah kooxaha mushaharka badan bixiya, halka Premier League ay Manchester City, Liverpool, Chelsea, Manchester United, Arsenal, Tottenham iyo naadiyo kale ay bixiyaan mushahar xad-dhaaf ah.
Mararka qaarkood, kooxo lama filaan ah oo Premier League ah ayaa ka dakhli kharashba bata kooxo waaweyn oo waddamada kale ka dhisan.
Qormadan, waxa aanu kusoo bandhigaynaa xogta laga diiwaangeliyey ciyaartoyda horyaalka Premier League ee ka ciyaarta garbaha weerarka sida bidixda iyo midigta, kuwaas oo laga soo xulay 25kooda ugu mushaharka badan.
Shabakadda Spotrac oo xogtan soo ururisay ayaa waxay kaliya shaacisay mushaharooyinka iyadoo aan lagu darin gunnooyinka dheeraadka ah ee ay qaataan.
Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee garbaha weerarka ee ugu mushaharka badan Premier League:
=22. Eric Lamela – £80,000-Toddobaadkii
=22. Lucas Moura – £80,000-Toddobaadkii
=22. Xherdan Shaqiri – £80,000-Toddobaadkii
=18. James Rodriguez – £90,000-Toddobaadkii
=18. Richarlison – £90,000-Toddobaadkii
=18. Gabriel Martinelli – £90,000-Toddobaadkii
=18. Diogo Jota – £90,000-Toddobaadkii
=15. Sadio Mane – £100,000-Toddobaadkii
=15. Hakim Ziyech – £100,000-Toddobaadkii
=15. Nicolas Pepe – £100,000-Toddobaadkii
15. Andriy Yarmolenko – £115,000-Toddobaadkii
=12. Bernard – £120,000-Toddobaadkii
=12. Riyad Mahrez – £120,000-Toddobaadkii
=12. Callum Hudson-Odoi – £120,000-Toddobaadkii
11. Wilfried Zaha – £130,000-Toddobaadkii
10. Jack Grealish – £135,000-Toddobaadkii
9. Heung-min Son – £140,000-Toddobaadkii
8. Christian Pulisic – £145,433-Toddobaadkii
7. Bernardo Silva – £150,000-Toddobaadkii
6. Willian – £192,308-Toddobaadkii
=4. Marcus Rashford – £200,000-Toddobaadkii
=4. Mohamed Salah – £200,000-Toddobaadkii
3. Gareth Bale – £220,000-Toddobaadkii (40% kaliya weeye lacagtan ay Tottenham bixisaa, waxaana 60% kale bixisa Real Madrid, iyadoo uu Bale u xaadiro usbuucii lacag dhan £600,000)
2. Pierre-Emerick Aubameyang – £250,000-Toddobaadkii
1. Raheem Sterling – £300,000-Toddobaadkii