Muxuu Toni Kroos Ka Yiri In Mesut Ozil Uu La Saftay

Toni Kroos ayaa ku tilmaamay “maaweelo” hadalkii uu Mesut Ozil ku garab istaagay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo uu xiddiga Jarmalka ku weeraray dabaaldegihiisa uu xirto maaskarada.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ayaa ku weeraray kabtanka Arsenal dabaaldegiisa uu xirto maaskarada Batman ama Black Panther ka dib marka uu gool dhaliyo.

Wuxuu ku tilmaamay dabaaldegihiisa wax maalayacni ah taasoo keentay in Aubameyang uu Twitter ugu jawaabo Kroos isagoo u sheegay inuu dabaaldegyadaas u sameeyo willkiisa oo jecel Spiderman, Batman iyo Black Panther.

Ozil ayaa isna qeyb ka noqday xurguftii u dhaxeysay Toni Kroos iyo Aubameyang iyadoo xiddiga Jarmalka uu la saftay saaxiibkiisa Arsenal isagoo Twitter soo dhigay muuqaal uu Aubameyang ku dabaaldegayo maaskarada, wuxuuna cinwaan uga dhigay: “Dabaaldegii gool ee ugu fiicnaa!”

Laakiin hadalka ka soo yeeray Ozil ma noqonin mid uu Kroos u la dhacay isagoo sheegay in jawaab celinta ka timid xiddiga ay isku wadanka yihiin inay aheyd mid la sii saadaalin karin.

Isagoo u hadlayay jariirada Bild, Kroos ayaa ka yiri Ozil: “Cidna igama yaabiso in badan. Hadalkiisa waxaan u arkay maaweelo, laakiin arintaan oo dhan gadaal ayaan iska mariyay.”

Kroos ayaa haatan ku maqan waajibaad qaran laakiin ma uusan ciyaarin kulankii UEFA Nations League ee ay Jarmalka ka badiyeen Ukraine Sabtidii.

Waxaa la filayaa inuu ciyaari doono kulanka Talaadada ay la ciyaarayaan Spain, halka Ozil uu ciyaaraha caalamiga ah ka fariistay sannadkii 2018.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More