Turkiga Oo Cashar U Dhigay Caawa Netherlands &

Kabtanka waayo araga ah Burak Yilmaz ayaa seddexleey dhaliyay iyadoo Turkiga ay 4-2 ku garaaceen xulka Netherlands kulankii caawa martida loo ahaa ee isreebreebka Koobka Adduunka.

Yilmaz ayaa gooldhalinta furay daqiiqadii 14aad kulankii lagu furay Group G waxaa u sii raacday rigoore uu dhaliyay daqiiqadii 20aad iyadoo ciyaartii ka dhacday garoonka Ataturk Olympic lagu kala nastay qeybtii hore Tukriga oo 2-0 ku hogaaminaya.

Ciyaarta ayaa u muuqatay mid lagu kala baxay markii Hakan Calhanoglu uu goolka seddexaad ku daray bilowgii qeybta labaad laakiin labo gool ay Holland u soo celiyeen Davy Klaassen iyo Luuk de Jong ayaa rajo soo laabasho ah gelisay xulka Netherlands.

Laakiin rajadooda waxaa dilay Burak Yilmaz oo dhameystirtay seddeexleydiisa markii uu dhaliyay laad xor cajiib ah isagoo seddexda dhibcood u xaqiijiyay xulka Turkiga.

Guushaan waxay niyad dhis weyn u tahay xulka Turkiga oo doonaya inay iska xaadiriyaan Koobka Adduunka ee sannadka 2022 lagu qabanayo dalka Qatar iyagoo guul weyn ku bilowday kulankooda Group G.

Xulka Netherlands ayaa iyagana dhabarjab xoog leh uu soo gaaray iyagoo u muuqda kuwa aan weli ka soo kabsanin hoos u dhicii soo wajahay sannadihii ugu danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More